Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Urrurada Bulshada Rayidka ah.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan hal mar bishiiba la qabto la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlo isbadelka dalka iyo sida shacabka Soomalaiyeed ay uga qayb qaadan karaan horumarka iyo xasillinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ka soo qayb galayaasha kulanka inuu ugu yeeray sidii uu ugala tashan lahaa xaaladda uu dalka ku jiro iyo sida ugu habboon ee horumar lagu gaarsiin karo dalka, maadaama bulshadda Soomaaliyeed la’aantood aan la soo gaareen meesha maanta ay joogto dawladnimadu.

“Waxan idinka codsanayaa inaad si dhow ula shaqeysaan dawladdiina si meesha looga saaro cidda aan ku farxsaneyn qaranimadeena iyo kuwa caadeystay dhiigga shacabkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Qaar kamid ah ka soo qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeediyey in la dardargaliyo sugidda amniga Muqdisho, si loo furo waddooyinka xiran oo shacabku ay dhib ku qabaan xiliyada ay marayaan, sidoo kalena waxay cadeeyeen in amni daradu ay saameyn ku yeelatay Ganacsiga iyo isku socodka dadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa tilmaamay in shacabka Soomaliyeed ay ku adag tahay aaminaada madaxdooda, taasina waxay meesha ka saartay wada shaqeynta dawladda iyo shacabka,haddana loo baahan yahay sidii aan u heli lahayn kalsoonida shacabka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...