Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Urrurada Bulshada Rayidka ah.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan hal mar bishiiba la qabto la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlo isbadelka dalka iyo sida shacabka Soomalaiyeed ay uga qayb qaadan karaan horumarka iyo xasillinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ka soo qayb galayaasha kulanka inuu ugu yeeray sidii uu ugala tashan lahaa xaaladda uu dalka ku jiro iyo sida ugu habboon ee horumar lagu gaarsiin karo dalka, maadaama bulshadda Soomaaliyeed la’aantood aan la soo gaareen meesha maanta ay joogto dawladnimadu.

“Waxan idinka codsanayaa inaad si dhow ula shaqeysaan dawladdiina si meesha looga saaro cidda aan ku farxsaneyn qaranimadeena iyo kuwa caadeystay dhiigga shacabkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Qaar kamid ah ka soo qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeediyey in la dardargaliyo sugidda amniga Muqdisho, si loo furo waddooyinka xiran oo shacabku ay dhib ku qabaan xiliyada ay marayaan, sidoo kalena waxay cadeeyeen in amni daradu ay saameyn ku yeelatay Ganacsiga iyo isku socodka dadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa tilmaamay in shacabka Soomaliyeed ay ku adag tahay aaminaada madaxdooda, taasina waxay meesha ka saartay wada shaqeynta dawladda iyo shacabka,haddana loo baahan yahay sidii aan u heli lahayn kalsoonida shacabka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...