Wasiir Cabdi Xoosh “Waxaan hubin doonnaa in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay xuquuq lamid ah mida muwaadinka caadiga ah ay ku leeyihiin Dastuurka”

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa shir wadatashi ah la yeelatay ururada dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ku saabsanaa sidii loo dhageeysan lahaa taladooda ku qotonta dhameeystirka Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ku dhiiragelinayso dadka naafada ah in ay ka qaybgalaan Ololaha Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

“Waxaa tihiin muwaadiniin xaq u leh waxa muwaadiniinta kale xaq u leeyihiin, waxa aan hubin doonnaa in Dastuurka uu noqdo mid idiin daryeela islamarkaana xuquuqihiina tilmaama” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Dhanka kale, ka soo qaybgalayaasha ayaa Wasaaradda ugu mahadceliyay sida ay ugu dhiiratay in ay kulankan la qaataan oo ay taladooda dhageystaan, waxa ayna ku dhiirageliyeen Wasiirka iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda in ay qareen u noqdaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Kadib markuu iclaamiyaya Wasiir Avv Cabdi Xoosh Olole loogu magacdaray Sheeko Qarameed ayeey Wasaaradda bilawday qabashada kulama wadatashi ah oo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada la la sameeynayo.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ballan qaaday in dhamaan Maamul Goboleedyada dalka la gaarsiin doono kulamadan wadatashiga ah si dadka ay ugu dhiiradaan in taladooda ay uga qaybqaatan ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka oo Wasaaraddu ay ka go’antahay in uu noqdo mid daah-furan.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...