La Taliyaha Amniga Qaranka oo faahfaahiyey Qorshaha Amniga Qaran ee dalka

Date:

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xuseen Macalin Maxamud Sh. Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo dhowaan la go’aamiyay.

Md,Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adaygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan cadawga nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Dowladda Federaaka waxaa ka go’an in ciidankaas geesiyaasha ah ee naftood hurayaasha ah loo helo daryeel, qalabeyn iyo inay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah. Mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelanayso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayaynta ciidanka Soomaaliyeed.

“Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax ahayn laga bixinayo taasi oo aan waafaqsanayn Qorshaha Amniga Qaran,Dowladda Federaalka inay sii xoojiso howlaha ciidanka XDS mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya” ayuu yiri la taliyaha dhinaca Amniga qaran ee Madaxwaynaha.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbinaynaa sida uu u qoranyahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay;
• Ciidanka Lugta
• Ciidanka Cirka
• Ciidanka Badda
Waajibaadka ciidanka XDS waa;
• Ilaalinta midnimada Qaranka
• Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
• Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo khatar galinaya xasiloonida dalka.

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqonayso ugu yaraan 18,000 oo aysan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...