Dawo La’aan Ka jirta Saakay Cusbitaalka Degmada Xudur

Date:

Agaasimaha Cusbitaalka guud ee degmada Xudur  ee gobolka Bakool Cabdixakiin Macallin Aadan  ayaa sheegay in Cusbitaalka ay ka jiraan dawo la,aan islamarkaana ay u gudbiyeen xaaladda saakay Cusbitaalka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

“Saakay waxaa Cusbitaalka magaalada xudur ka jira xaalad dawo la,aan ah waxaa jiifa Cusbitaalka dad gaaraya 80 ruux oo u baahan adeeg caafimaad waxaan qeylo dhaan u dirsannay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya balse illa hadda wax mahayno, waxaa shaqeeya qeybaha kala duwan ee cusbitaalka degmada, waxaa kaloo soo kordhinnay qeyb lagu daweeyo dadka uu ku dhaco cudurka shuban biyoodka kuwaa oo laga keeno baadiyaha degmada” ayuu yiri Agaasimaha Cusbitaalka Degmada Xudur  Cabdixakiin Macallin.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Degmada Xudur ayaa sheegay in ay dib ugu soo laabteen Muqdisho shan dhaqtar oo haray ugu soo dirtay Wasaaradda Caafimaadka si ay ula shaqeeyaan dhaqaatiirta Cusbitaalka degmada Xudur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...