Dawo La’aan Ka jirta Saakay Cusbitaalka Degmada Xudur

Date:

Agaasimaha Cusbitaalka guud ee degmada Xudur  ee gobolka Bakool Cabdixakiin Macallin Aadan  ayaa sheegay in Cusbitaalka ay ka jiraan dawo la,aan islamarkaana ay u gudbiyeen xaaladda saakay Cusbitaalka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

“Saakay waxaa Cusbitaalka magaalada xudur ka jira xaalad dawo la,aan ah waxaa jiifa Cusbitaalka dad gaaraya 80 ruux oo u baahan adeeg caafimaad waxaan qeylo dhaan u dirsannay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya balse illa hadda wax mahayno, waxaa shaqeeya qeybaha kala duwan ee cusbitaalka degmada, waxaa kaloo soo kordhinnay qeyb lagu daweeyo dadka uu ku dhaco cudurka shuban biyoodka kuwaa oo laga keeno baadiyaha degmada” ayuu yiri Agaasimaha Cusbitaalka Degmada Xudur  Cabdixakiin Macallin.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Degmada Xudur ayaa sheegay in ay dib ugu soo laabteen Muqdisho shan dhaqtar oo haray ugu soo dirtay Wasaaradda Caafimaadka si ay ula shaqeeyaan dhaqaatiirta Cusbitaalka degmada Xudur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...