Xulka Qaranka Soomaaliya oo laga soo sagootiyay Kampala

Date:

Munaasabad isugu jirta Casho sharaf iyo sagootin isugu jirta ayaa xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qeyb galayay Koobka Bariga iyo bartamaha Afrika Xalay loogu sameeyay Magaalada Kampala ee Dalka Yugaandha.

Munaasabadan ay soo abaabuleen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada Kampala ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda Ururka ciyaaraha Soomaalida ee Uganda, ganacsato iyo Guddoomiyaha xariirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cabdiqani Saciid Carab.

Qaar ka mid ah madaxda Jaaliyadda ayaa uga hambalyeeyay xulka Qaranka dedaalkii ay sameeyeen intii ay ciyaarayeen iyo sidii ay kor ugu qaadeen sumcadda Soomaaliya.

Cumar Cabdullaahi, oo ah ciyaaryahankii dhaliyay Goolkii ay Soomaaliya uga badisay xulka Burundi oo ka hadlay Casha sharafta ayaa si guud ugu mahad-celiyay Soomaalida ku nool Uganda sidii qiima badnayd ee ay u Garab istaageen markii ay baratanka kula jireen kooxihii kale.

Cabdiqani Saciid Carab, Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ayaa sheegay in waajibkii lagu lahaa Jaaliyadda iyo taageeradii ay u muujiyeen xulkooda ay kasoo baxeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciyaarahii Soomaaliya ay la wadaagtay kooxaha kale ay ka xiiso badnaayeen kuwa Dalalka kale ciyaarayeen oo Soomaaliya marka ay ciyaaraysay garoonka lasoo buuxinayay oo ticket aad u badan la iibsaday.

Waxana taasi ammaanay maamulka Koobka Bariga iyo bartamaba Afrika sida Jaaliyadda Soomaalida ay xulkooda u taageereen.

Maanta ayaa la filayaa in ay  Ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed ku kala laabtaan Dalalkii ay ka kala yimaadeen.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...