Home Blog Page 908

Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Dhallinyarada Magaalada Cadaado “Sawirro”

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan magaalada Cadaado, ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay dhallinyarada magaalada Cadaado.

Kulankaan ayaa looga arrinsaday doorka dhallinyarada kaga aadan wacyigalinta bulshada iyo siddii loo xakameyn lahaa qatarta cudurka faafa ee COVID-19 oo fara ba’an ku haya bulshada magaalada Cadaado.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa dhallinyarada ku dhiiro galiyay inay kaalintooda ka ciyaaraan hanaanka dowlad wanaagga iyo dhismaha Galmudug.

 

Galmudug Oo War Kasoo Saartay Dadka Baada Siiya Argagixisada Al-Shabaab

0

Axmed Macalin Fiqi oo ah Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in Ganacsatada iyo shacabka reer Galmudug ay uga digayaan in Al-Shabaab ay siiyaan lacagaha loogu yeero zakawaadka ee uu ku tilmaamay inay tahay baad shacabka in muddo laga qaadayay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sida Al-Shabaab ula dagaalamaan oo kale ay ula dagaalami doonaan dadka Al-Shabaab siiya lacagaha baada.

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa la sheegaa in Al-Shabaab ay ganacsatada iyo shacabka uga qaadaan lacago baad ah iyo xoolaha, waxaana dhowr jeer dhacay isku dhacyo dhex maray dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo la xiriiray qaadista lacagaha xoogga ay uga qaadanayaan.

Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Waxaa uu sheegay in dhowaan ay Baarlamaanka Galmudug horgeyn doonaan sharciga la dagaalanka Argagixisada, si ay wax badan uga bedelaan qorshaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo cida taageerta.

Madaxweyne Waare Oo Magacaabay Guddiga Mashaariicda Ee Xalka Waara

0

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddiga Wasaaradaha ee Mashaariicda Xalalka Waara.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in Guddigaan oo ka kooban 9 Xubnood ay u xilsaaranyihiin  isku dubaridka iyo mashaariicda xalalka waara, taasi oo qeyb ka ah Xal u helida Biyaha Had iyo jeer ku fataha Magaalada Beledweyne iyo Guud ahaan deegaanada Hirshabelle.

 

Wasiirrada Shaqada Iyo Gargaarka XFS Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Dhowr Ah+Sawirro

0

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta dadaallada ay xukuumadda Soomaaliya ku gaareyso muwaadiniinta kuwooda nugul iyo dagaalka loogu jiro ka hortagga fayriska Covid-19.

 

Madaxweyne Waare Oo La Kulmay Saraakiisha Amisom Ee Gobalka Hiiraan

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee qeybta 4aad ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga iyo wada shaqeynta Maamulka Gobolka Iyo ciidamada AMISOM.

Dhanka kale Madaxweyne Waare oo ay  wehlinayay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Madaxtooyada Abdullahi Mohamed Addow, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Jama Hashi wasiirka dekadaha Faarax Maxamed wasiirka ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray xarunta loogu talagalay latacaalida dadka uu so rito Covid-19.

Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka xaruntaasi, isagoo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan iyo qalabka ay u baahanyihiin waxaana madaxweynaha uu amray in saacadaha soo socda la dhameystiro qalabka ka dhiman xarunta.

Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka Oo Kulmay Siyaasiyiinta Waqooyi Galbeed

0

Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan wadatashi ah kula yeesheen Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa waxa ay ka dhageysteen Wasiirada, Xildhibaanadda, Xubnaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedda Goboladda Waqoooyi oo uu kamid yahay Ra’iisulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

kulankooda ayeey diirrada ku saareen qabyo-tirka mid kamid ah Nuqullada Afarta xeer ee guddiga loo igmaday guddiga.

Kulanka waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ah Mudane . Xil. Ibraahim Isaaq Yarow.

Dowladda Oo Gargaar Degdeg Ah Gaarsiineysa Deegaannada Ay Ka Jiraan Xaaladaha Daran

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka guddiga Qaran ee xakameynta Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta Covid-19.

Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa lagu go’aamiyay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo deegaannada ay xaaladaha daran ka jiraan oo Galmudug ay kamid tahay.

Wasaaradda Amniga Galmudug Oo La Wareegtay Koontaroolada Magaalada Gaalkacyo

0

Wasaaradda amniga Maamul Gobaleedka Galmudug ayaa ciidamada Booliska dowladda federaalka ku wareejisay koontaroolada magaalada Gaalkacyo oo markii hore ay joogeen maleeshiyo beeleed.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi, Xildhibaano ka wada tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay kormeeray koontaroolada lagu wareejiyay ciidamada Booliska iyagoo kula dardaarmay in ay bulshada si wanaagsan ula dhaqmaan si nabad gelyo buuxda loo helo.

Koontarooladaan ayaa waxaa hore u maamuli jiray maleeshiyo beeleedyo waxa ayna bulshadu kala kulmi jireen dhibaatooyin badan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Ku Baxay Shaqaaqo Ka Dhacday Degmada Deyniile

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile ku dhaxmartay maamulka degmada Deyniile iyo ciidama hubeysan oo ay maamulka degmada ku sheegeen in ay dhulboob sameynayaan.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu saakay ka dhacay dagaalka isagoo sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkasta oo ku xad gudubta sharciga.

Wasiirka Shaqada XFS Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka

0

Sadiiq Xirsi Warfaa, oo ah Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Dr. Aamina Saciid.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Wasaaradda iyo hay’adda, wuxuuna ballanqaaday wasiirku in hay’adda ay si dhow ay uga taageeri doonaan in shaqo abuur loo helo dadka barakacayaasha ah iyo sidii lagu heli lahaa taageero joogto ah oo ay dowladda ka helaan Qaxootiga dibadda ka soo laabanaya iyo kuwa gudaha ku barakaca.

Kulanka labada Mas’uul oo ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime Waaxeedyada Arrimaha Bulshada iyo Qorsheynta.