Home Blog Page 747

Wasiirkii Arimaha dibadda Suuriya oo ahaa ruug cadaaga Siyaasadeed Walid al-Moalem ayaa geeriyooday.

0

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa shaaciyay saakay, geerida Waliid Al-Mucallim, Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Syria.

Wakaaladda Wararka Syria ee “SANA” ayaa soo qortay, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogtu waxay ka tacsiyeynaysaa geerida Walid Al-Macallim, Wasiirkii Arrimaha Dibadda.”

Al-Mucllim wuxa uu caasimadda Demishiq ku dhashay July 17, 1941,  waxaana uu la wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya bishii Febraayo 11, 2006, isagoo wax ku bartay iskuulada dowliga laga soo bilaabo 1948 ilaa 1960, markii uu ka qaatay shahaadada dugsiga sare Tartous.

Intaa ka dib, wuxuu ku biiray Jaamacadda Qaahira oo uu ka qalin jabiyay 1963 BA cilmiga dhaqaalaha iyo Sayniska, waxaana uu ka mid ahaa ragga tiir dhexaadka u ah maamulka Bishaar Al-asad.

34 ruux ayaa lagu dilay weerar Rasaas Argagax leh oo ka dhacay galbeedka Itoobiya.

0

Dabley hubeysan ayaa dishay daraasiin dad ah ka dib weerar Argagax leh oo lala beegsaday bas ay saarnaayeen dad shacab ah galbeedka Itoobiya, sida laga soo xigtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee dalkaasi.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Axad ah ku sheegtay in “qiyaasta tirada dadka ku dhintay, oo hadda ah 34, ay u badan tahay inay ka kororto” weerarkii ka dhacay habeenimadii Sabtida aaga lays ku hor fadhiye  Benishangul-Gumuz.

(EHRC) Waxay intaasi ku dartay inay jiraan warbixino sheegaya weeraro la mid ah, iyo dad ka cararaya rabshadaha ka socda qaybaha kale ee gobolka, ay wajahayaan dhibaatooyin xaga nolosha ah waxaan sidoo kale jira dadka u qaxay inay gabaad raadsadaan ay kala kulmaan handadaa iyo dil ciidamada” Ma jiro wax war ah oo deg deg ah oo ku saabsan cidda falkaasi geysatay.

Weerarka ayaa yimid iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo gobolka Tigree ee woqooyiga dalka oo sida la sheegay dilay boqolaal dad ah oo rayid ah ay maalin kasta ka dhacaan, in ka badan 20,000 oo qof oo ayaa ka qaxaya xadka Waqooyiga Itoobiya kuwaasi oo badankooda gaaray Wadanka Suudaan.

Ma jiro wax xiriir ah oo la ogyahay oo ka dhexeeya rabshadaha ka socda Benishangul-Gumuz iyo howlaha militariga ee ka socda Tigray.

Weerarka lagu qaaday baskan siday dadka rakaabka ah ayaa ka ambabaxay deegaanka Wonbera waxuuna kusii jeeday Chagni, iyadoo falkan weerarka argagaxa leh uu ka dhacay qeyb ka mid ah meelihii ay ka dhacayeen weeraro badan oo lagu hoobtay oo lala beegsaday dad rayid ah.

Madaxa EHRC Daniel Bekele ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta gobolka iyo federaalka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan istiraatiijiyadda Benishangul-Gumuz sababo la xiriira “xawaaraha aan joogsiga lahayn” ee weerarada ka socda gobolka waxuuna intaasi raaciyay in “Weerarkan uu yahay ka fog bani’aadamnimada loona baahanyahay in labaaro si loo ogaado cida ka dambeysay” ayuu yiri

 

(DAAWO) BARNAMIJKA FALANQEYNTA ©SNTV // 15-11-2020

0

Barnaamijka waxaan intiisa badan diirada ku saari doonaa Wasaaradda Caafimadka iyo daryeelka bulshada XFS oo qalab lagu baaro xanuunka Covid-19 kala wareegtay Shirkada Bukaan-kaal.

Halkaan ka Daawo.

(DAAWO) BARNAAMIJKA WEYDII DHAQTARKA // 15-11-2020

0

Barnaamijka Weydii Dhaqtarka waxaa Todobaadkan Marti ku ah Dr Naaji Cismaan Yuusuf waxaana looga hadli doonaa Cudurka Macaanka ama Sonkorta hadaba waxaa ku jira Macluumaad Badan ee ka faa’ideyso.

Halkan ka Daawo.

 

(DAAWO) BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA MAANTA // 15-11-2020

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta oo qodobo muhiim ah ay ku jiraan.

Golaha Baarlamaanka JFS ayaa la filayaa in berri ay ka doodaan ansixinta xubnaha Guddiga adeega garsoorka Dalka

0

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa berri oo isniin waxa ay kulan weynaha golaha ku yeelan doonaan xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Golaha ayaa waxaa ay doodi doonaan ajandayaaasha kala ah.

U codeynta xubnaha guddiga adeega garsoorka iyo sidoo kale u codeynta xubnaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Ajandaha kale ayaa ah akhrinta sedexaad ee hindise sharciyeedka notaayooyinka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan golaha barlamaanka kula dar daarmay in xoogga la saaro dar dargalinta howlaha uharsan golaha maadaama uu waqtiga u aharay golaha uu gabaabsi yahay lagana rabo in la dhameystiro howlaha horyaala.

Golaha deegaanka Xudur oo warbixin ka dhageystay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha Guud ee DG K/galbeed.

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud,dib u dhiska iyo guryeynta Dowlad goboleedka K/galbeed Yuusuf Wadani ayaa warbixin ku saabsan shaqada Wasaaradda siiyay golaha deegaanka degmada Xudur oo uu kula kulmay degmadaasi.

Sidoo kale, xubnaha golaha deegaanka ayaa agaasimaha Su’aalo ka weydiiyay qorshaha wasaaradda uu soo bandhigey iyo daadejinta adeegyada Wasaaradda ay bixiso.

Dhowaan golaha wasiiradda Dowlad goboleedka Konfur galbeed waxay ansixiyeen sharciga dhulka oo ay soo diyaarisey wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska Koonfur galbeed oo hadda horyaala Baarlamaanka, kaas oo looga fadhiyo in ay meel mariyaan, ansixinta sharciga ka dib waxa la sameyn doonaa guddiga maamulka dhulka oo xarun looga dhisayo degmada xuddur.

Markii uu soo dhammaaday shirka golaha deegaanka waxa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo Agaasimaha wasaaradda Howlaha Guud dib-u-dhiska iyo guryenta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Yuusuf Wadani.

Iyadoo la fulinaayo awaamiirti madaxweynaha maamulka K/galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, taas oo ahayd in dhammaan adeegyada wasaaradda ay bixiso la daadajiyo lana gaarsiiyo min gobol ilaa tuulo.

Mareykanka oo war kasoo saaray weerarkii TPLF ay ku qaadeen ee Eritrea.

0

Dowladda Mareykanka ayaa canbaareysay weerar gantaalo ah oo TPLF ay ku garaaceen magaalada Asmara ee xarunta Eritrea.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee afrika Tibor Nagy ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid aan sabab loo yeelan karin oo aan la aqbali karin.

Wuxuu kaloo ku tilmaamay tibaabo ay TPLF dagaalka kaga dhigeyso mid caalami ah .

Tibor ayaa ku baaqay in dadka rayidka la badbaadiyo colaadana dhaqso loo joojiyo.

Kooxda TPLF ayaa xalay 3 gantaal ku dhuftay Asmara mana jirin qasaaro ay geysteen

Howlgalo la xiriira Dhinaca Amaanka Oo Ka Bilowday Gobalka Bari+(SAWIRRO).

0

Howlgal Uu Hogaaninayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G\Sare Xuseen Cali Maxamuud Ayay Ciidmada Booliska Gobalka Bari Ka Sameyeen Buuraha U Dhexeeya Bosaaso Ilaa Dagmada Carmo Ee Gobalka Bari Waxana Uu Ahaa Howlgal Qorsheesnaa Sidoo Kalle Howlgalka Inta Uu Socday Ayay Ciidamada Booliska Gobalka Ay Sameenayeen Baaritaano La Xiriira Gadiidka Soogala Bosaaso Iyo Kuwa Ka Baxa.

Howlgaladaan Ay Sameeyeen Booliska Gobalka Bari Ayaa La Xiriiray Xoojinta Amniga Guud Ee Gobalka Xilli Dhawaan Bosaaso Ay Martigalin Doonto Doorashada Xilibaanada Cusub Ee Dowlada Dhexe Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuuseen Cali Maxamuud Shacabka Ka Codsaday In Doorkooda Ka Qataan Xaqiijinta Amaanka Isagoo U Mahadceliyay

Shacabka Gobalka Bari Ayaa Howlgalkaan Ku Tilmamaay Mid Guul Ah Oo Ciidmada Ay Uga Mahadcelinayaan.