Muqdisho (SONNA) Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen gaari lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii maalmo kahor ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dilay xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in gaariga lala qabtay hal ruux iyo qori uu watay, islamarkaana lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii labadaasi ruux lagu dilay.
Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa xusay in sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii Nabad Sugidda iyo kii Booliska ee degmada xamarweyne.
Waxaa kale oo uu sheegay in xabsiga ay kujiraan iminka 12-askari oo xiliga falka uu dhacayey ka howlgalayey degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Muqdisho (SONNA) Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ilaa iyo maanta ay ka sameynayeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Hub, Rasaas, Maandooriyeyaal iyo dad lagu eedeeyey in waxyaabahaasi ay gacanta kula jireen.
Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo goobta jooga ayaa soo sheegaya in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa iyo sadex ruux, islamarkaana hubka lahayo ay kamid yihiin Bastoolado iyo Rasaas.
Howlgalka oo laga sameeyey xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiinta wasaaradda Amniga oo goobta gaaray ayaa sheegay in dadkaan la qabtay sharciga la hor geynayo islamarkaana wixii ay muteystaan lagu xukumi doono.
Madrid-(SONNA)-Gobolka Catalonia ee dalka Isbayn waxay dadku subaxnimadii hore ee saaka ay safaf dhaadheer u galeen Codbixin ay ku doonayaan in ay kaga madaxbanaanaadan dalka Isbayn intiisa kale.
Dhinaca kale Wasaaradda arimaha Gudaha ee Isbayn ayaa sheegtay in dowladdu ay xirtay in ka badan kala bar dhismayaashii danta guud ee Gobolkaasi ee loo Qorsheeyay in codbixintu ka dhacdo.
Doorashada gobolkaan ayaa lagu soo dooranayaa Madaxweyne iyo Baarlamaan, Xisbiyada gooni u goosadka ayaa helay 62 kursi Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Cataloniya oo ka kooban 130 kursi,inkastoo xisbiyadaan ku guuleysan waayeen inay helaan codka aqlabiyadda Baarlamaanka gobalkaasi oo ah 68 kursi, waxaana lagu wadaa inay isbaheysi la sameystaan xisbiyo kale.
Isbaheysiga xisbiyada gooni u goosadka ayaa doonaya in muddo 18 bilood gudahood ah loo sameeyo dastuur u gaar ah gobalkaasi isla markaana lagu dhiso hay’adaha dowlada u gaarka ah sida, Maxkamadaha, Bangiyada iyo Ciidamada.
Dowlada Dhexe ee Spain ayaa si weyn uga soo horjeeda gooni u goosadka Catalonia oo ah gobal ay dhaqaalo badan kasoo galaan dalka Spain isla markaana ay ku nool yihiin 16% shacabka wadankaasi.
Bishii Spetember waxaa isugu soo baxay caasimadda Catalonia ee Barcelona dad gaaraya 1.5 miylan oo qof taas oo u dhiganta 20% dadka ku dhaqan gobolkaas kuwaas oo dalbanaya in ay helaan madaxbanaani.
Jowhar (SONNA) Guddoomiyaha Degmada jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha dhexe ahna Caasimada Maamulka Hirshabeele Cismaan Baarey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay Saamaynta Wabiga Shabeele uu ku yeeshay bulshada ku nool deegaano ka tirsan Gobolkaas.
Cismaan Baarey guddoomiyaha jowhar ayaa tilmaamay in uu Wabigu ku fatahay tooyin badan oo ka tirsan shabeelaha dhexe kaasoo saamayn xoogan ku yeeshay beeralayda Gobolkaas.
Waxaa uu tilmaamay in ay wadaan qorshayaal lagu doonaayo in wax looga qabto saamaynta Wabiga.
Wabiga shabeele oo mara Gobolada Shabeelaha hoose,shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa inta badan sameeya fatahaad wax yeelo ka soo gaarto bulshada beeralayda ah iyo Xoolo dhaqatada.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen gaari lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii maalmo kahor ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dilay xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in gaariga lala qabtay hal ruux iyo qori uu watay, islamarkaana lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii labadaasi ruux lagu dilay.
Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa xusay in sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii Nabad Sugidda iyo kii Booliska ee degmada xamarweyne.
Waxaa kale oo uu sheegay in xabsiga ay kujiraan iminka 12-askari oo xiliga falka uu dhacayey ka howlgalayey degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Gobolka Catalonia ee dalka Isbayn waxay dadku subaxnimadii hore ee saaka ay safaf dhaadheer u galeen Codbixin ay ku doonayaan in ay kaga madaxbanaanaadan dalka Isbayn intiisa kale.
Dhinaca kale Wasaaradda arimaha Gudaha ee Isbayn ayaa sheegtay in dowladdu ay xirtay in ka badan kala bar dhismayaashii danta guud ee Gobolkaasi ee loo Qorsheeyay in codbixintu ka dhacdo.
Doorashada gobolkaan ayaa lagu soo dooranayaa Madaxweyne iyo Baarlamaan, Xisbiyada gooni u goosadka ayaa helay 62 kursi Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Cataloniya oo ka kooban 130 kursi,inkastoo xisbiyadaan ku guuleysan waayeen inay helaan codka aqlabiyadda Baarlamaanka gobalkaasi oo ah 68 kursi, waxaana lagu wadaa inay isbaheysi la sameystaan xisbiyo kale.
Isbaheysiga xisbiyada gooni u goosadka ayaa doonaya in muddo 18 bilood gudahood ah loo sameeyo dastuur u gaar ah gobalkaasi isla markaana lagu dhiso hay’adaha dowlada u gaarka ah sida, Maxkamadaha, Bangiyada iyo Ciidamada.
Dowlada Dhexe ee Spain ayaa si weyn uga soo horjeeda gooni u goosadka Catalonia oo ah gobal ay dhaqaalo badan kasoo galaan dalka Spain isla markaana ay ku nool yihiin 16% shacabka wadankaasi.
Bishii Spetember waxaa isugu soo baxay caasimadda Catalonia ee Barcelona dad gaaraya 1.5 miylan oo qof taas oo u dhiganta 20% dadka ku dhaqan gobolkaas kuwaas oo dalbanaya in ay helaan madaxbanaani.
Xaalada ka jirta jaziiradda Puerto Rico ee ka tirsan dalka Mareykanka oo ay labo jeer ku dhufatay duufaanta Hurricane ayaa ah mid aad u liidata xilli muran siyaasadeed oo ba’an uu hareeyay dedaalada Mareykanka uu kaalmada ku gaarsiinayo dadka halkaa deggan.
Toban maalmood kaddib masiibadaasi ayaa deegaanada Jasiiraddaasi waxaa ka jira koronto la’aan, iyadoo deegaanada ka baxsan magaalada caasimadda ahi aanay ka jirin biyo, cunno iyo shidaal.
Dedaalada gargaarka loogu fidinayo dadka halkaa ku tabaaleysan ayaa sii xoogeysanayo, iyadoo gawaari kuwa xamuulka ahi ay gargaarka aadka loogu baahan yahay gaarsiinayaan halkaasi.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraallo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku ballan qaaday in uu taageero u fidin doono dadka Puerto Rico ee ay duufaantu wax yeeleysay. Balse waxa uu xaaladda halkaa ka jirta ku eedeeyay saraakiisha maxaliga ah ee Jasiiraddaasi, xisbiga dimuquraadiga iyo warbaahinta.
Weriyeyaasha ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu halis ugu jiro inuu siyaasadeeyo masiibada bani’aadannimo ee halkaasi ka dhacday, iyadoo ay suurtagal tahay in dadka ku dhaqan Puerto Rico ay dareemaan in ay yihiin muwaadiniin ka derajo hooseeyo kuwa kale ee Mareykanka.
Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday talaabooyin dhinaca Horumarka ah.
Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in si loo adkeeyo guulaha xiligan la gaaray shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay door ku yeeshaan horumarka iyo dib u dhiska dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda ay ahmiyad gaar ah siineyso dhismaha ciidamada, iyada oo shalay la daah furay xarun lagu tababaro ciidamada xoogga oo uu Turkigu dalka ka hirgaliyey.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya ay sameeneyso horumaro badan islamarkaana lasii wadi doono wax waliba oo dalka lagu samatabixin karo.
Fanaanadda Qaran ee Habolada Waaaberi Maryan Ciise Bootaan oo maalmihii u dambeeyay ku sugneyd Wadanka dhawaanna soo gaartey Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Wasaaaradda Warfaafinta.
Masuuliyiinta soo dhawaysay Fanaanada Qaran ee Hobalada Waaberi ayaa waxa hor kacyay Wasiirka Wasaaradda Warfaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha guud ee Wasaradda Warfaafinta, Maareye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Qaarey Jiir Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
Maryan Mursal Ciise ayaa waxaa ay booqatay Keydka Hadalka Radio Muqdisho oo ay ku keedsanyihiin sugaantii hore oo ay Fanaaninta horay u qaadeen iyadoo dhageysatay hesihii ay qaaday waayahedii hore iyo Ruwaayadhiihi ay ka qeybqaadatay intuba.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiramaan Yusuf Sheekh iyo Maareye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka Cabdikariiin Faarax Qaareey Jiir aya fanaanadda Maryan Mursal Ciise Bootan ku soo dhaweeyay xarunta Wasaradda.
Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Mudane Cilmi Cumar Ceysane iyo Wasiir ku xigenka Wasaradda Gaashandhiga Muane Cabdullahi Colaad Rooble ayaa shegay in Fanaanadda Maryan Mursal Ciise Bootaan ay tahay Fananad Qaran, hormuudna ay u tahay Fanaaninta Hobalada Qaranka ee Waaberi.
Wasiirka Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Fanaanadda Maryan Mursal ugu mahadceliyay booqashada ay ku timid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxa uuna sheegay in Wasaradda ay ka shaqeyneyso sidii loo wacyigelin lahaa bulshada Soomaaliyed.
Maryan Mursal Ciise Bootan ayaa u mahadcelisay masuuliyinta Xarunta Wasaradda Warfaafinta ku soo dhaweysay, iyadoo xustay inay aad ugu faraxsantahay booqashada ay ku timid xarunta Wasaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday talaabooyin dhinaca Horumarka ah.