Home Blog Page 1181

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya

0

Dubai (SNTV):-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii isgaarsiinta iyo teknolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maamul-wanaagga, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ay teknolojiyadu keeni karto.

Isagoo ka hadlayay Shirweynaha Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ee ka soconaya magaalada Dubai, ayuu Wasiir Cashuur carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku xirnaan doono hadba si aan u horumarino awooddeena dhinaca teknolojiyada.

Wasiirka oo adduunyada uga warbixinayay horumarka uu dalkeenu ka sameeyay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, wuxuu xusay inay jiraan caqabado badan oo dalalka soo koraya aysan kaligood wax ka qaban karin, loona baahan yahay in dalalka horumaray iyo kuwa soo karayaba ay ka sameeyaan iskaashi iyo wax-wadaqabsi.

Dalkeena ayaa u gudbiyay Shirweynaha ITU qaraar tirsigiisu yahay 160, kaas oo ay soo ansixiyeen fadhiyada ITU ee heer gobol qaaradda Afrika iyo Carabtaba.

“Waxaan si xushmad leh u weydiisaneynaa dalalka xubnaha ka ah ITU inay taageeraan qaraarkan Soomaaliya ka caawinaya sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaasha iyo awoodda isgaarsiinta iyo teknolojiyada,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada-shaqeyn iyo iskaashi la yeelato dalalka dhiggeena ah.

Shirweynaha ITU waa kulan afartii sanaba mar la qabto oo lagu doorto hoggaanka ururka, isla markaana lagu go’aamiyo qorshaha afarta sano ee socota ee ururka oo ay ku jiraan go’aamada la xiriira dalalka ama arrimaha ka dhexeeya dhammaan xubnaha.

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan

0

Muqdisho (SNTV):-Xilli dhawaan Dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqaday Barnamajika Isxilqaan oo lagu dhisayo xarumihii Wasaaradaha iyo Goobihii Khadiimiga ahaa ee ku burburay colaadihii dalka ka dhacay ayaa maanta waxaa Masuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlada Soomaaliya ay ka qeyb qaateen Howlaha dib loogu dhisayo Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa goobta ka sheegay in ay diyaar u yihiin kana dhabayn doonaan balanqaadkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ee ahaa inaan cidna laga sugin in ay dhisaan Xarumaha Dowlada ee loo baahan yahay in Dowlada oo kaashaneysa Shacabkeeda ay dhistaan goobaha burburka uu ka muuqdo oo ay kamid tahay Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Agaasimaha guud Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Somaaliya Prof: Maxamuud Maxamad Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Barnaamijka isxilqaan oo dowlada ay ku dhawaaqday.

“Waxa ay Dhismaha goobahan oo kale ay shaqa abuur u noqaneysaa Dhalinyaro badan oo hada shaqa la’aan ay dalka ku heysato hana la baneeyo goobaha Danta guud si iyana loo dhiso”.ayuu yiri Agasimaha Prof: Maxamuud

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa dhankiisa sheegay in ay Wasaaradu diyaar u tahay ka mira dhalinta Barnaamijka is xil.qaan

“Waa arrin muujineyso in aan isku tashanay oo aan dhisaneyno dalkeena waana talaabo dhanka Horumarka loo qaaday in aan isku tashano oo aan dhisno dalkeena Wasaaradana diyaar ayay u tahay in ay Ololaha Isxilqaan ay ka qeyb qaadato”.ayuu yiri Mudane Xaamud.

Dhanka kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa xarunta Tiyaatarka markii labaad soo gaarsiiyay Agabka dhismaha oo ka qayb qaadan doona dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka,Waxaana qalabkaasi kala wareegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ahna Isuduwaha shaqada Tiyaatarka ugana mahad celisay sida mar kasta uu Maamulka Gobalka u garab taagan yahay.

Xukuumaadda FS iyo Bangiga adduunka oo kala saxiixay mashaariic horumarineed

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, ayaa maanta si wada jir ah u saxiixay $80 Milyan oo ah qaybtii hore ee mashruuca bank-ga adduunku uu dawladda Soomaaliya ku abaal mariyay.

Wasiirka maaliyadda XFS ayaa sheegay in Bank-ga adduunku uu aad usoo dhaweeyay hannaanka dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga shaqeeyeen hannaanka dayn cafinta kadibna ay go’aansadeen in lagu abaal mariyo $140 Mliyan oo $80 Milyan oo kamid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Agaasimaha Bank-ga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird ayaa munaasabadda lagu saxiixay heshiiska $80 Miylan ah ka sheegtay in Bank-ga adduunku uu aad ugu amaanayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta daymaha.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in heshiiska maanta iyo heshiiskii dhawaan dawladdu la saxiixatay Midawga Yurub in ay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dawladdu ay ku doonayso in ay dib ula fal-gasho caalamka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dadka Soomaaliyeed sida buuxda ee ay uga qayb qaateen dadaallada dib-u-hagaajinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna shaaciyay hadii dadaallada ay dawladdu wado lasii dardar-geliyo in lagu tillaabsanayo horumar intaan ka ballaaran.

Muxuu muhiim u yahay Heshiiska dhinacyada Siyaasadda ee Koofurta Suudaan?

Muqdisho (SNTV)- Dhinacyada ku kala irdhoobay siyaasadda wadanka Koofurta Suudan ayaa waxaa lagu wadaa in colaadooda lagu soo dhameeyo heshiis ay marqaatiyaal ka yihiin qaar ka mid ah Madaxda Afrika.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qeyb ka ah Madaxda marqaatiga ka noqon doona Munaasabad lagu soo bandhigayo Heshiiska dhinacyada Koofurta Suudaan.

Maxamed Caalin oo ah Aqoonyahan si gaar ah ula socda siyaasadda Geeska Afrika ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in heshiiskan uu micno wayn u samaynayo shacabka Koofurta Suudaan ee Colaada ka daalay iyo dalalka kale ee ku yaala Geeska Afrika.

“Waxaa u ahmiyad weyn u leeyahay heshiiskaasi shacabka Koofurta Suudaan iyo sidoo kale Dowladaha dhaca Mandiqada Geeska Afrika waana arrin wax badan ka badali doonta colaadii dhextaalay labada Dal”.ayuu yiri Aqoonyahan Caalin

Waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah, in la sameeyo hub ka dhigis, in la dhiso dowlad wadaag ah iyo in la siidaayo Maxaabiistii la kala qabsaday intii colaada ay socotay.

Sareeye guuto Saalax“Waxaan dilnay Dhagarqabe ka qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo Mid Pakistan ah”

Muqdisho (SNTV)- Ciidammada Xoogga Dalka ayaa guulo waa weyn ka gaaray Howlgalo baaxad leh oo ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Howlgalada ay Ciidammada Xoogga Dalka ku dileen Dhagar qabe ka qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo mid Dhalashadiisu tahay Pakistan oo ka mid ah Qolada Miinada dhigta.

“Khasaaro badan ayaa soo gaaray Argagaxisada Guulaha hada la taaban karo waxaa ka mid ah Ninkii Miinooyinka sameyn jiray oo Qaraxyada waliba ragii ugu cuslaa oo Qaraxii Soobe ka qeyb qaatay ayaan halkaasi ku dilnay, Nin kale oo Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Pakistan ayaan dilnay oo isna Qoloda Miinada dhigta ah iyo Macalin habka Miinada loo dhigo ku tababara Argagaxisada iyo rag badan oo Qoladii Miinda dhigeysay iyo Maleeshiyo leh ayaan halkaas ku dilnay”.

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ayaa sheegay in deegaano badan ay Argagaxisada kala wareegeen sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano u dhaxeeya Buulo Barde iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad oo ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo Barde iyo Fiidow ay ciidammada Xoogga kula wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar lugoole iyo deegaano kale.

Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse ayaa si weyn u amaanay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Deegaanadii ay gacanta ku dhigeen, isagoo xusay in deegaanada qaar ay Ciidammada Xoogga Dalka ilmeeyeen ka dib markii ay arkeen sida Shacabka u jecel yihiin oo ay usoo dhaweeyeen, isagoo sheegay inay si geesinimo leh u muujiyeen doonista ah inay ka xuroobaan Argagaxisada, wuxuuna sheegay in Shacabka ay Ciidammada la wadaageen Xogo ku saabsan Dhagar qabayaasha ku dhuumaaleysanaya deegaanada qaar.

Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay Suudaanta Koonfureed

0

Muqdisho (SNTV):- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka amba baxay magaalada Muqdisho,isago ku sii jeeda Dalka Suudaanta Koonfureed.

Ujeedka Socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu ugu amba baxay magaalada Juubbaa e caasimadda Koonfurta Suudaan ayaa la xiriirta ka qeyb galka munasabad loogu dabaal-dagayo dhameystirka heshiiska dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaallo ka socdeen.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD,kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa kamid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana dalkaasi kunool kumanaan Soomaali ah,kuwaasi oo ganacsi waaweyn ku leh dalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo sheegay in dib u dhis lagu sameynayo Xarumahii Milatariga ee ku yaalla degmadda Deyniile

0

Muqdisho (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe iyo Abaanduullaha Ciidanka Difaaca S/guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo ay wehliyaan Saraakiil kale ayaa maanta kormeeray xarumaha Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Bangala ee degmada Deyniile ee G/Banaadir.

Xarumaha Masuuliyiintaasi ay Booqdeen ayaa ku burburay dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Taliska Ciidanka Xoogga uu qorsheynayaan in Xarumahaasi dib u dhis lagu sameeyo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga uu hadda ku howlan yahay dhismaha Ciidanka iyo Xarumahooda burburay, si shaqada loo dardar-geliyo.

Sarreeya Gaas Indha-qarshe ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in dhammaan xarumaha Ciidanka Difaaca ee ku bur buray dagaladii Sokeeye dib u dayactir ballaaran dhawaan lagu sameyn doono.

 

Kulan looga hadlayey doorka Haweenka ee ka qeyb galka Siyaasadda dalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SNTV)-kulankan ay soo Agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumariinta Xuquuqda Aadanhay XFS ayaa looga hadlay Awoodiinta iyo sare u qaadida Doorka Ka Qeyb galka Haweenka ee Dhanka  Siyaasadda loo dhan yahay taas oo la sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay Haweenka Soomaaliyeed oo Door muuqdo ka qaata Horumarka dalka.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Feysal Nuur Farax oo Daahfuraay Kulankaan Wadatashiga ah ayaa Sharxay Ahmiyada ay leedahay in Haweenka ay Ka qeybgalaan Siyaasadda Dalka.

Agaasimaha Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Haweenka Axmed Cabdi Cumar  iyo Agaasimaha Waaxada Genderka Sacdiyo Maxamed Nuur Ayaa si isku mid ah uu sheegay in Wasaaradda Haweenka ay mar walibo ka shaqeneyso siddii Haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Doorka Ay ku leeyihiin Siyaasada Dalka.

Kasoo Qeyb galayaasha kulankaan Wadatashiga Ayaa si isku mid ah isugu racaay muhiimada ay leedahay dar dargalinta sare uu qaadida Doorka Haweenka Soomaaliyed ay ku leeyahiin Siyaasadda.

R/wasaare Kuxigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Xarun Labaad oo ay yeelaneyso Wasaaradda Maaliyadda

0

Muqdisho (SNTV)- Dib u dhiska xarunta labaad ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay ka gacan geysatay Dowladda Swedan ayuu xariga ka jaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Swedan ee Soomaaliya.

Safiirka Swedan ayaa sheegay in ujeedada Dowladiisu u taageertay dhismaha Xaruntani ay tahay sidii Shaqaalaha Qaranka u heli lahaayeen xarumo ku filan oo ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa dhisma kale oo la mataana ah dhismahan si shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u helaan xafiisyo ku filan.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Swedan kaga mahad celiyay dhismaha xaruntani waxaana uu sheegay in xarunta yareyneyso culeyskii haystay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay Howlaha ay qabatay Wasaaradda Maaliyadda Dalka oo suura galiyay in sare uu u kaco daqliga dalka lana kordhiyo Miisaaniyada Dowladda.

Helida Xafiisyo ku filan Howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kor u qaadeysa isla xisaabtanka iyo horumarinta dakhliga gudaha.

W/Q:- Cabdishakuur Cali Axmed

Shirweynaha ITU oo ka furmay Dubai, iyadoo qaraar Soomaaliya Qoseeya uu horyaallo

0

Dubai (SNTV)-  Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, ayna xubno ka yihiin mas’uuliyiinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka qeyb galaya shirweynaha ugu sarreeya ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shirweynahan, oo afartii sanaba mar la qabto, ayaa ah shirka ugu heerka sarreeya ee ITU, kaas oo lagu doorto hoggaanka ururka, laguna ansixiyo qorshayaasha iyo go’aannada arrimaha masiiriga ah ee khuseeya isgaarsiinta adduunka ee afarta sano ee soo socota.

Shirweynahan ayaa xiiso gaar ah u leh isgaarsiinta iyo teknoolojiyada Soomaaliya ka dib markii lagu guuleystay shaqooyin badan oo sare u qaadaya isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, sida ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo Soomaaliya oo soo ceshatay xuquuqda codeynta oo ay kaga qeybgali karto doorashada dhacaysa, kuwaas oo sare u qaadday maqaamka uu dalkeenu ku leeyahay ITU.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu u gudbisay ITU qaraar u gaar ah dalkeena oo loogu talo galay in lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, kaas oo Wasaaradda iyo Hay’adduba ka soo shaqeeyeen, kana soo dhaadhiciyeen kulamada heer qaarad Afrika iyo Carabtaba ee ITU.

“Fursad qaali ah ayay noo tahay inaan maqaamkan kaga faa’iideysano horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena. Haddii shalay na loo arki jiray dad aan xuquuq lahayn, maanta waxaan qeyb ka nahay go’aamada la gaarayo”, ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaana fursaddaas uga faa’ideysaneynaa inaan ka wada hadalno horumarin iyo iskaashi uu dalkeenu la yeesho dalalka dhiggeena ah.”