Home Blog Page 1181

Goloaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Qorsha amniga Caasimadda

Muqdisho, July 26, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga, ahmiyadda Shirkii caalamiga ahaa ee waxbarshashada sare iyo natiijadii kasoo baxday Shirkii Madasha iskaashiga Soomaaliyeed ee Brussels.

Ugu horreyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in ciidamada ku howlan sugidda amniga caasimadda ay hoostagaan Booliiska, arrinkaan oo goluhu isla qaateen si loogu guuleesto hadafka guud ee ah in bulshadu ay hesho nabad-gelyad buuxda.

Goloha wasiirrada ayaa faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar si ay uga qayb qaataan sugidda amniga, iyada oo sidoo kale golohu uu wasaaradda maaliyadda ku war-geliyay in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha wasiirada usoo jeediyay in Cabdullaahi Maxamed Odawaa, Maxamed Axmednuur Tarsan iyo Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle ay u ogolaadaan in ay qaban karaan xil safiirro, arintaas golohu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.

Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimmadda uu dalka u leeyahy shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagu qabtay Muqdisho, kaas oo intii uu socday la iskula gartay in waddamada colaadaha ka soo kabanaya loo sameeyo urur jaamacadeed ay hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahacdeliyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in ay dhisaan aqoonta bulshada xilligii burburka isaga oo qiray in ay usoo dul-qaateen xilli ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta qorshayaal horumarineed oo bulshada lagu bad-baadinayo.

Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay shacabka in ay ka qeyb qaataan ololaha Isxilqaan

Muqdisho, Luuliyo 26, 2018; Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyey kumannaan mutadawiciin ah oo hormuud u ah xoogagga waddaniyiinta ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu heellan yihiin in ay ka qeyb qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka .

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqa ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska.

“Barnaamijkan isxilqaanka oo aan dooneyno dalka oo dhan iyo qurbajoogta Soomaaliyeedba in aan gaarsiinno idinka ayaa aasaas u ah. Marka naloo eego si shakhsi shakhsi ah adduunka waa ka tilmaaman nahay, meel kasta oo aan joognana horumar la taaban karo ayaan ka gaarnaa, waxaa kaliya oo inaga dhiman waa in aan dadaalladeenna mideyno oo innagoo isku duuban oo wadajir ah aan wax wada qabsanno. Taas weeye ujeedka barnaamijkan.”

Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed qof kasta oo ka mid ah in uu shaqo mutadawacnimo ah u qabto dalka toddobaad kasta labo saac iyo bar ka mid ah wakhtigiisa, arrinkaas oo fure u noqonaya sidii aan uga soo kaban lahayn burburkii ku habsaday dalka.

“In aan si dhab ah u wada shaqeyno ayaan caalamka kula tartami karnaa laakiin si shaqsi ah caalamka kulama tartami karno, shaqsi ma ahan wax horumar lagu gaaro oo dal dhisa qabiilna ma ahan waan soo tijaabinay ee labo sano aan qabsanno oo aan u shaqeyno si wadareed iyo isku duubni.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay dhammaan xoogagga isxilqaamayaasha Soomaaliyeed ee sida waddaniyadda leh ugu istaagay dalkooda tan iyo xilligii burburkii dowladdii dhexe, kuwaas oo gacan ka geystay hawlaha nabadeynta, bilic soocelinta, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo guud ahaan dadaallada samatabixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah hoggaanka Ururrada Haweenka iyo Dhallinyarada.

DHAMMAAD

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareeyey Weerarkii Xarunta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow

0

(Muqdisho, 26 Luulyo 2018) Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa cambaareeyey Weerarkii lagu qaadey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow ee degmada Ceel-waaq.

Wasiirka oo u tacsiyeeyey ehellada dadkii ku dhintey weerarkaasi ayaa sheegay in ay kulan gaar ah arrintan kala qaateen Wasaaraddaha Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha & Dibedda degdegna looga bixin doono jawaabta ku habbon, isaga oo ku tilmaamey weerarkaas mid aan loo dulqaadan karin.

“Waxa aan ka qaadi doonaa weerarkan talaabooyinka ku habboon kadib kolka ay soo dhamaadaan baaritaanada hay’adaha ku shaqadda leh” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado in uu dhamaadey xiliggii isla xisaabtan la’aanta oo ay tahay in cid weliba ay si dhab ah u qaadato masuuliyadeedda, waxa aanna rajaynaynaa in ay degdeg u soo dhamaadaan baaritaanadan” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho (SNTV), Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa maanta hal darajo dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo ka hor intaan la dalacsiin ahaa Sarreeye guuto.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey Xaflad loogu magac daray Kulanka Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu  hambalyeeyay Halka darajo ee uu dalacay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”.

Dalacsiinta Taliyaha  ayaa timid kadib markii wax qabad muuqda uu ka sameeyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana  Taliska Booliska uu ku guuleystay dib u dhiska Ciidanka iyo  in dib u dayactir lagu sameeyo qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka, kuwaasi oo ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay.

Madaxweye Farmaajo ayaa soo xiray ololaha Xoogaga wadaniyiinta Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo xiray ololaha Xoogaga wadaniyiinta Gobolka Banaadir kuwaas oo ka qeyb qaadanayo barnaamijyada wacyi-galinta iyo xasilinta Caasimadda.

Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xuseen Maxamed Nuur, taliya-yaasha ciidamada qalabka sida iyo maamullada degmooyinka   ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda.


Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed ay aas-aas u yihiin horumarinta amniga Caasimadda.

Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xuseen Maxamed Nuur oo munaasabadda ka hadlay waxa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleestay hir-gelinta barnaamijka dariseynta oo guula muhiim ah laga gaaray,  waxa uu sidoo kale sheegay in uu meel gaba- gaba ah mareyso qorshaha horumarinta Caasimadda ee 5-sano soo socoto ee ka kooban 6-Tiir.

Ugu dambeyn kusimaha duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in xuquuq ay heli doonan howl-wadeenada xoogaga wadaniyiinta gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir doorka uu ka geestay in ololahani lagu guulesto islamarkaana uu soo gaaro heerkan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladu ay  dhiira-galin doonto qorsha kaste oo lagu xoojinayo qaranimada iyo horumarinta wadajirka umadda Soomaaliyeed si looga guulesto sharwadayaasha.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay wafdi ka qeyb galay shirka Waxbarashada sare ee Dalka

0

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare  ee  dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qaban-qaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rajada wanaagsan ee jirta iyo dowrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahad-celiyay ka qayb galkooda shirkan caalamiga ah ee waxbarashada sare.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay, iyadoo  xubnaha wafdiga qaarkood ay sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, waxa ayna  ballan qaadaeen warbixinta horumarka dalka ku arkeen ay  gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula ballamay masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kulanka goob joog ka ahaa in ay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Soomaaliya.

Tahriibayaal laga soo bad-baadiyay xeebaha Marooko

Rabat-(SNTVA)- Ciidamada Badda ee Dalka Marooko ayaa Arbacadii Shalay ahayd soo badbaadiyay 110 Qof oo Tahriibayaal ah, kuwaas oo ku safrayay Saddex Doonyo, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Dalka Marooko.

Howl-gallo kale oo ay Ciidamada Badda ee Dalka Spain ka sameeyeen marinka Gibraltar ee u dhexeeya Labada Dal ayaa sidoo kale lagu soo bad-baadiyay 399 Muhaajiriin sharci darra ah, kuwaas oo iyana ku socdaalayay 29 Doonyood.

Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ayaa xog uruurintii ugu dambeysay ee ay soo saartay, waxa ay ku sheegtay Sanadkan oo keliya in ay ku tahriibeen marinka u dhexeeya Marooko iyo Spain in ka badan 50,000 oo Qof, kuwaas oo 1,500 oo ka mid ay ku Naf waayeen.

Isha/ Anadolu

Filim-qaadihii Daacish oo ay Maxkamadda Ciidamada Xukuntay..

Muqdisho (SNTV)-Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo ahaa Filim-qaadihii kooxda Daacishta Soomaaliya qala-laasaha ka waddo, sidoo kala  ahaa  mid ka mid ah kuwooda u qaabilsan kooxda qaraxyada ay  ku dhibaateeyaan  shacabka ku dhaqan goballada shabeelaha-Hoose  iyo Benaadir ayaa  maxkamadda darajada 1-aad go’aan ka soo saartay.

Maxkamadda ayaa  u cuskatay xukunkeeda qodobo  kale duwan sida Qiraalka Eedeysanaha,  Caddeymaha laga qoray markaatiyaasha, Kaamiro video uu watay eedeysanaha oo ay kuu duubnaayeen muuqaallo muujinayo ficilada kooxda, Batari, Fiilooyin iyo agab kale oo loo isticmaallo farsamada qaraxyada.

Caddeymaha muuqaal laga duubay Qarax uu aasay eedeysanaha  inta aysan qarxin ciidamada amniga ka hor , codsiga qareenada u doodayay eedeysanaha ee aheyd in loo naxariisto maadaama markii ugu horreysay ee aheyd ee uu geysto ficil nuucaas ah, waxa ay garsoorayaasha go’aamiyeen In jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo eedeeyay waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Xabsi daa’in”- Sida uu u sheegay warbaahinta  G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Eedeysanah ayaa  ku biiray kooxda  Daacish  kadib markii ay is qabteen kooxda Al-shabaab uu horay uga tirsanaa, waxa uuna cel-celis ahaan ku soo qaatay kooxahaasi in ka badan 5-sano.

Goballada bari ee dhulka  Puntland gaar ahaan qandalla ayuu ka soo dagaalamay balse mar dambe oo ay kooxdu u soo wakiilatay dhibaateynta shacabka ku dhaqan Shabeelaha -Hoose iyo Benaadir ayaa  waxa isaga oo ku jira dhagridda shacabka weliba ku mashquulsan qarxinta miino ay ku aaseen wada-da dhinaceeda,     waxa ay ciidamada amniga ka soo qabteen halka loo yaqaano Bood-boodka  oo ah degmada Afgo’e ee gobalka shabeelaha hoose.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Madax ka socotay Hay’adda TIS

0

Muqdisho-(SNTV)-Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka ku xiggeenka Wasaaraddaasi, Mudane Aadan Isaaq Cali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Madax ka socotay Hay’adda (TIS+) oo Dawladda Soomaaliya ka taageerta Horumarinta iyo Xasilinta dalka.

Kulankaasi, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudan C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala, Agaasime Waaxeedyada wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Labada dhinac, ayaa kawada hadlay Horumarinta Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka,  siddii Wasaaradda Warfaafinta XFS looga taageeri lahaa isku xirka Wasaaraddaha Warfaafinta Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isaaq Cali, ayaa uga mahad celiyey Hay’adda TIS  horumarka iyo howlaha wanaagsan ee ay ku taageerayaan Wasaaradda.

Mas’uul loo xiray eedeymo musuq maasuq

0

Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka , ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo loo haysto eedeymo la xiriira musuq maasuq.

Warar aan ka helnay hoggaanka  dambi baarista (CID) ayaa xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha,lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”

Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu cel celisay in ay ka go’an tahay in ay tallaabooyin dhab ah u qaaddo la dagaallanka musuq maasuqa, si aan loogu tagri falin hantida dadweynaha.