Somaliland – Somali National Television – sntv.so

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida madaxweynihii hore ee Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeeggidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

DHAGEYSO:Mucaaradka Somaliland oo sheegay in ay ergo odayaal ah ka aqbaleen in ay hakiyaan mudaharaado ay doonayeen inay maanta dhigaan.
MUQDISHO-JUUN-11-6-2022-:Labada Xisbi mucaarad ee soomaliland ugu waa weyn WADANI iyo UCID ayaa sheegay in maanta hakiyeen mudaharaadyo ay doonayeen inay maanta ka  dhigaan dhamaan deegmoyinka iyo deeganada maamulka soomaliland .

Banaanbaxyadaan ayeey xisbiyadaan ku dalbanayaan in si deg deg ah loo qabto doorashada madaxweynaha soomaliland oo muran iyo qilaaf badan uu hareeyey qabashadeyda.

Mucaaradka Somaliland ayaa  sheegay in ay ergo odayaal ah ka aqbaleen in ay hakiyaan mudaharaado ay doonayeen inay maanta dhigaan sidaa y warabahainta xalay u shegeen guddoomiyaasha xisbiyada mucaradka ucid  Feysal Ali Waraabe iyo Wadani Xirsi Ali Xaaji .

CODKA GUDDOMIYASHAAN HALKAAN KA DHAGEYSO.

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-391735-1" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://sntv.so/wp-content/uploads/2022/06/cod-newscaster.mp3</audio>

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo qaabilay masuuliyiin katirsan Midowga Yurub.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh maamulka Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay maamulka Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada.

Jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey
Guddiga maamulka doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, taas oo la guda gelayo maalinta Khamiista ah ee 23-ka bishaan, sida ku cad jadwalka.

23-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota waxaa la diiwaan gelinayaa musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, waxayna diiwaan gelintu socaneysaa ilaa maalinka Sabtida ah ee 25-ka bishan.

Axadda 26-ka Septembar waxaa tababar loo furayaa ergada soo dooraneysa senatorrada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, halka maalinka xiga ee 27-ka la dhageysan doono hadal jeedinta musharaxiinta.

Maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan ayaa loo qorsheeyey inay bilaabato doorashada Aqalka Sare ee xubnaha metelaya Somaliland, waxayna ku egtahay 30-ka bishaan September.

Seddax maalmood oo kala ah, 28-ka, 29-ka iyo 30-ka bishaan ayey Muqdisho ka dhaceysaa doorashada 11-ka kursi ee Somaliland ku metesha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Dhahar oo caawa u soo gudubtay wareegga Sedaxaad ee tartanka
Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Todobo iyo tobnaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ahna Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da) ayaa sheegay in Tartamayaasha Dharkeynley ay qabtay cabasho, balse sida sharciga qabo loo sheegay inay tartanka sii wataan oo la xalinayo tabashadooda, isagoo intaa ku daray in Dharkeynley ay gebi ahaanba diiday in uu tartanka sii socdo oo cabashooda la xalin doono.

“Anshax xumo tii ugu darneyd waaye hannaanka ay u dhaqmeen tartamayaasha Dharkeynley, waana markii ugu horeysay ay tani dhacdo, waxaana ku dhawaaqayaa in sida uu sharciga qabo, Tartanka caawa waxaa badisay Dhahar ” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Tartanka.

Tartanka markii labada degmo la weydiiyay min afar su’aal oo qeybta hore ah, ayaa Dharkeynley waxa ay sameeyeen fal ka baxsan sharciga tartanka, waxaana tartamayaasha Dharkeynley afartii su’aal ee la weydiiyay ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen, mana helin wax ka faa’iideysi ah, balse tartamayaasha Dhahar ayaa ka jawaabay saddex su’aal oo ka mid ah afartii su’aal ee la weydiiyay, iyagoo ka faa’iideystay labo su’aal oo soo hareer martay dhigooda Dharkeynley, sidaas darteed Dhahar ayaa caawa heshay 10 dhibcood.

Hadaba kulankii 17aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Wadajir iyo Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo”
Muqdisho, 25ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

DHAMMAAD

Muuse Biixi Cabdi oo maanta la caleema saarayo
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha dhawaan  la doortay ee Somaliland lafilayaa in maanta lagu caleema saaro magaalada Hargeysa,iyadoo qaban qaabo ku aadan munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ay haatan ka socoto aqalka madaxtooyada.

Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay xaflada,Madaxweynaha xilka degaya Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in uu maanta xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa dhawaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliland,kadib markii uu ka guuleystay musharixiintii kula tartamaysa xilka madaxweynenimo,taasi oo dhawaan ka dhacday halkaasi.