๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถr๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qaybgalay Shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Shirka waxaa Wasiirka Caafimaadka ku wehlinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Guled Abdijalil iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Shirka oo ay ka qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Carabta iyo wufuudda diblomaasiyadeed ayaa lagu ansixiyey goโ€™aammo muhiim ah oo ku saabsan, taageerada Caafimaad ee dalalka ay ka jiraan xaalado biniโ€™aadantinimo iyo Caafimaad, xoojinta iskaashiga gobolka, taageeridda Golaha Carabta ee takhasusaadka Caafimaadka, dhiirrigelinta dalalka ku tallaabsaday warshadaynta dawooyinka iyo booqashooyinka Caafimaadka iyo la dagaallanka faafista cudurrada dilaaga ah.

Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay wada-shaqaynta gobolka iyo horumarinta nidaamka Caafimaad ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Raโ€™iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...