Wasiirka Amniga Galmudug Oo Kulan La Qaatay Dhallinayarada Gaalkacyo “sawirro”

Date:

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa galinkii dambe ee maanta magaalada Gaalkacyo kaga qayb galey kulan dhiiri galin ah oo ay soo Agaasimeen Baraaruga Dhallinyarada Gobolka Mudug .

Dhallinyarada ayaa Wasiir Fiqi ku amaantay doorkiisa dardar galinta Amniga iyo qaadista isbaarooyinka, kuwaa oo caqabad ku ahaa isu socodka bulshada Galmudug, waxaana ay dhallinyaradu balan qaadeen inay xoojinayaan la shaqeynta laamaha ammaanka Galmudug.

Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa dhallinyarada soo qaban qaabisay kulanka uga mahadceliyay, waxaana uu kula dar daarmay inay xoojiyaan taageerada ay u muujiyeen Wasaaradda amniga iyo lamaaha Nabadgelyada qaabilsan, si looga hortago cidkasta oo carqaladeyneysa amniga Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...