Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Degmada Jilib

Date:

War saxaafadeed kasoo baxay hawl-galka Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerar dhanka Cirka ah oo ay ka geysteen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Weerarkan oo iska kaashadeen AFRICOM iyo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaan ka mid ahaa Argagixisada.

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in la qaarajiyay mid kamid sarkiisha maleeshida Al-Shabaab kaa oo sida ay shegeen xiriir la lahaa uruka Al-qaacidda.

Ku-xigeenka hawl-gallada Africom, Miguel castellanos ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qeyb ka yihiin kooxaha Argagixisada ee Dunida ka jira.

Wuxuuna ballan qaaday in ay sare u qaadi doonaan weerarrada ay ku cirib tirayaan Maleeshiyada kuna beegsiga goobaha ay kaga dhumaaleeysanayaan Goballada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...