Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Horjoogayaal iyo Wariye Alshabaab ah

Date:

Muqdisho (SNTV)- Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi  ayaa loo  heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa  horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka.

Cabbduqaadir oo magiciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay  degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir  sideedii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid  laga soo qabtay  xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii  September Sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta  ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaa dhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaann, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-ka January sanadkan.

Horaantii February ayay Maxkamadda u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.

Cabduqaadir iyo Saciid  ayaa ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay labadooda hoos tegi jireen Dakhare oo isna  dhuumaaleysi ka ah gacmaha sharciga.

Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah horjoogaha tobanka tuullo  ee kala ah Yunbis, Buulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Moor-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cumar-beerre iyo Sagaalaad, waxa ayna labada xukunsane ahaayeen kuwa ku xigeen iyo wakiil uga ah Tuullada Mareerey.

Maxkamadda ayaa wada tashi  dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi   waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisu afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee        gobalka Banaadir 28  August sanadkii ina dhaafay.

Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu  ahaa wakiil wareed  mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab.

Xafiiska xeer  ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii December sanadkii tegay.

Baaris kale ayuu isku howlay xafiiaska  xeer ilaalinta Ciidamada oo leh awoodda horgeynta Maxkamadda eedeysanaha marka ay u arkaan in ay  jiraan eedo mudan in Maxkamad lala tiigsado eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa 25-kii bishii ina dhaaftay ee sanadkan   ogolaatay soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aheyd dhageysiga eedda loo heysto Xasan  luqmaan.

Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Alshabaab.

Qareenka eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo fududeeyo xukunka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay

Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu  la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo  ay ku  dalban karaan Rafcaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale