Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug oo u diyaargaroobaya Doorashada Guddoonkooda.

Date:

Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa billaabay diyaargarowga Doorashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug ayadoo lagu wado in ay  yeeshaan kulankoodii kowaad oo ay uga arrinsanayaan Doorashada Guddoonkooda.

Xildhibaannada Galmudug ayaa la dhaariyay shalay galinkii dambe ayagoo dhaarinta kadib yeeshay kulan ay ku dooranayeen Guddoomiye kumeel gaar ah oo ay u doorteen Ninka ugu da’da weyn xildhibaannada Galmudug.

Xildhibaannada Galmudug ayaa sidoo kale ka arrinsanaya shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan qabashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga doorashada Gdudoonka Barlamaanka Galmudug.

Xildhibaannada Galmudug ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag iyo soo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo waliba doorashada  Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...