Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare BFS ayaa Dowlad Goboleedyada kulan la tashi ah kala yeeshay hindiso sharciyeedka mihnadlayaasha caafimaadka.+sawirro.

Date:

Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare BFS ayaa Dowlad Goboleedyada Dalka kulan la tashi ah kala yeeshay hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada ,arimaha Bini,aadannimada warfaafinta dhaqanka ee Golaha Aqalka sare , Sen; Axmed Macallin Cumar Nadiif.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulankan uu yahay la tashi looga hadlayo hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Hindise sharciyeedka mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka ayaa qodob qodob loo aqriyay, iyadoo xubnaha Dowlad Goboleedyada ay iyaguna fikirkooda ka dhiibteen.

Xoghayaha  Guddiga horumarinta  adeegga Bulshada ,arimaha Bini,aadanimada warfaafinta dhaqanka Golaha Aqalka sare, Sen, SamSam Daahir Maxamuud, ayaa gaba gabada kulanka sheegtay in ay muhiim tahay la tashiga qeybaha uu  khuseeyo sharcigan.

Hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka waxaa soo diyaariyay wasaarada caafimaadka XFS ,wuxuuna soo maray Golaha Shacabka BFS, iyadoo haatan uu horyaallo Golaha Aqalka sare ee BFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...