Maxkamadda Ciidamada Q.S oo bilowday dhageysiga dacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab

Date:

Fadhiga Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ka bilowday Dhageysiga Dacwad qaadista Shabakad ka tirsan Alshabaab gaar ahaan qeybta fulisa dilalka gaadmada ah oo ka howlgali jiray Galbeedka Caasiamadda.

Eedaysanaha 1-aad Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ,  Maxamed Cismaan Axmed oo magacyadiisa afgarashadu yihiin (C/weli, Atam, Bakistaan) Ismaaciil Max’ed Aweys oo magiciisa afgarashadu yahay  (Yaxye)  ayaa laga soo qabtay bar ay ciidamada amniga ku hubiyaan dadka iyo gaadiidka oo ku taala waaxda Xaawa Taako ee degmada Wadajir 28/02/2019 xilli ay kasoo noqdeen howlgal arga-gaxisanimo oo fashilmay  halka eedeysnaha 4-aad laga qabtay degmada deyniile gaar ahaan Jaamacada Gahayr .

Eedaysanaha 1-aad Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017, Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018, 27/11/2018 Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) halka   dhaawac xabadeed uu u  gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali, waxa uu sidoo kale kala  simanyahay Ismaaciil iyo Maxmed in ay qorsheynayeen dilka Baarliin Cabdi Warsame oo aheyd gabar ka ganacsato qaadka.

Eedaysanaha 2-aad Max’ed Cismaan Axmed Cumar (C/weli, Atam, Bakistaan),  Waxa uu ahaa wade Mooto Bajaaj ugu adeega  keenista iyo ka qaadista  Bastooladaha lagu fuliyo Dilalka qorshaysan Alshabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay  in 28/02/2019 uu qeyb  ka ahaa dilkii fashilmay ee lala damacsanaa Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Eedeysanaha 3–aad Ismaaciil Max’ed Aweys (Yaxye) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu qeyb ka ahaa fashilka dil ay la damacsanaayeen Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Seddexda eedeysane ayey ciidamada amniga ku qabteen bar ay ciidamada amniga ku leeyihiin waaxda xaawo taako ee degmada Wadajir halkaas oo ay isku dayeen in ay ka baxsadaan balse mid kamid ah ciidamada amniga ayaa fashiliyay isku daygooda.

Eedaysanaha 4-aad Saadaq C/jabaar Cumar Xuseen, waxaa si gaar ah loogu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Alshabaab  gaar ahaan Qeybta fulisa dilalka qorshaysan, waxaa si gaar ah loogu qabtay fulinta dilka  Marxuum Ex D/le X. Max’ud Xasan Ibraahim 31/03/2019.

Xafiiska Xeer Ilaalinta CQS aya fursad loo siiyay in ay Maxkamadda la yimaadaan cadeymaha kiiskan ay eedeysanaha kawada yihiin 4-ta eedeysane ee Maxkamadda hortaagan.

6- markaati uu ku jiro dhibane ayaa Maxkamaddu dhageystay, waxa ay dhinacyada dacwadda weydiiyeen su’aalaha habraaca sharciga o ogolaanayo,  markaatiyaasha ayaa  ka sheekeyey sida ay u dhaceen ficillada qaar oo ay eedeysanayaasha geysteen, halka sidoo kale si gaar ah loo dhageystay ciidamadii barta ku qornaa.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa weydiistay Maxkamadda in la siiyo fursad dheerad ah oo ay maxkamadda ku horkeenaan agab iyo markaatiyaasha qaarkooda oo safar kaga maqan magaalada…

Qareenada ayaa  kala sinnaa soo jeedinta Xeer Ilaalinta.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee CQS  ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxaana sii socon doonta dhageysiga dacwooyinka loo heysto eedeysanayaashaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...