Fariinta Horjooge Diiriye “Kaalay aan ku dilee, isqarxi aan ku baree oo dhis aan dumiyee”

Date:

Maalmo ka hor ayay Argagixisada Alshabaab baahisay Cod soconayay muddo 20 Daqiiqo ah oo ay ku sheegeen in uu yahay Horjoogahooda Dhuumaalaysiga ku nool ee Axmed Diiriye inkasta oo aanay jirin cid iyaga ka baxsan oo xaqiijisay sax ahaanshaha in uu yahay isaga Qofka Hadlaya.

Ha noqdo isaga ama mid ay u ekaysiiyeen kii uu doonee waxaa hubaal ah in ay ahayd Fariinta rasmiga ah ee Kooxda maadaama lagu baahiyay Baraha ay isticmaalaan.

Fariintaan oo u muuqatay mid loosoo diyaariyay oo meel laga aqrinayay waxa ay xambaarsanayd dhawr arrimood oo leh amakaag una baahan isdultaagis marka laga reebo isticmaalka erayada ku celceliska ah ee Horjoogayaasha kooxdu isaga daydaan ee badanaa ah is tustus ku socda Dhalinyarada ay marinhabaabiyeen loogana dayday Argagixisada caalamiga ah ee ku talaalan dhiigga sharwadayaasha qaloocday.

Qormadaan waxaan ku eegayaa Sadex fariimood oo horjoogahu ukala Diray, Qurba joogta, Maalgashadayaasha iyo Ardayda Soomaaliyeed kuwaas oo ahaa kaliya waxa ku cusbaa fariintaan marka la barbardhigo kuwii horay ay usoo dirijireen oo malaha ah erayo Isticmaalkooda laga soo yeeriyo dibadda Ruqsadna aanay kooxdu u haysan in ay wax ka badasho.

Sababta aan u xushay Sadexda Sheeko waa in aan isbarbardhig ku sameeyo Hadalka Horjoogaha iyo Ficilka Maleeshiyaadkiisa, kuwaas oo aan isqabbadsiintooda udaynayo Aqristayaasha marka ay sheekada ka bogtaan ka dib.

“Kaalay aan ku dilee”

Horjooguhu wuxuu ugu baaqayaa Qurba-joogta Soomaaaliyeed in ay Dalkooda kusoo laabtaan!!

Markaa iswaydiintu waxeey tahay muxuu ugu yeerayaa Qurba-joogta oo ku jira isaga gacantiisa?

Ma geeri mise Nolol?

Ma in ay kooxdiisa ku biiraan mise in ay Dalkooda xorriyad ku joogaan?

Jawaabtu dhankayga ma adka oo isla Kooxda Diiriye ayaa horay uga jawaabtay Ficil ahaan, markasta oo qawl iyo ficil kulmaanna qawlka ayaa qaadashada leh.

Baaqiisu waa kaaalay aan ku dilee waana sida Kooxdu marar badan samaysay oo wadar iyo fardiba ugu laysay Muwaadiniin badan oo Dalkooda usoo hiloobay kuwaas oo aan magacyadooda lagu koobikarin halkaan qaarkoodna reebeen xusuus Murugo sida tii Kismaayo oo amarka Horjooge Diiriye lagu xasuuqay Qurbajoog aan ka xusukaro Hodan Naaleeye iyo Saygeedii, Mahad Dirir iyo Walaalo la mid ah waana taas sababta aan Fariintaas ugu qaatay”kaalay aan ku dilee”.
.

“Dhis aan dumiyee”

Horjooguhu wuxuu leeyahay maalqabeenada” kaalaya Dalkiinna maalgashada!!

Tanina kama foga tan hore, ninka Diiriye baaqaan waa isla ninka Amray in laburburiyo Tobanaan maalgashi oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku samayteen Dalkooda waliba si ku celcelis ah taasoo xitaa markii Ganacsatadu iska diiday damacooda oo helkeey dumiyaanba dib udhisaan ay qaarkood toos ula soo xiriireen kuna amreen in aysan dib udhisankarin goobahooda haddii kale ay naftooda waynayaan waloow aan taas ku guulaysan, sidaas ayaan fariintaan ugu doortay oraahda ah” Dhis aan dumiyee”.

.

“Isqarxi aan ku baree”

Fariinta Sadexaad ee yaabkq leh waa markii horjooguhu yiri” Caruurta nala nool ayaa ka waxbarasho wanaagsan kuwa kale!!

Aqriste bal dareenkaaga ku leexi nolosha Caruurta ku nool goobaha yar ee uu gacanta ku hayo Diiriye ka dibna barbardhig kuwa ku nool dhulka llaga xoreeyay Diiriye iyo kuwa uu baadiyeeyay?

Kaliya labo tusaale oo dhankiisa ah iyo hal tusaale oo dhankeena ah aan soo qaato.

Bilo yar ka hor, Shabaab waxeey xarardheere kusoo bandhigtay Carruur Da’ahaan udhaxeeya 7 ilaa 13 jir kuwaas oo ku labisan dharka dagaalka ee kooxda kuna qalabaysan hub kuwaas oo kooxdu ku sheegtay in ay dhamaysteen Waxbarasho ku salaysan Manhajkooda, sidoo kale waraysiyo warbaahinta Qaranku kasoo qaaday Caruurta ku nool goobihii ugu danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Diiriye ayay kusheegeen in waligood aanay aadin iskuul hadde ogoow Caruurtaas waxeey ku jiraan xilliyada caadi ahaan Caruurtu ay ka gudbaan Fasalada Dugsiga hoose, Dhexe iyo sare, tani waa sababta Waalidiinta awoodda ay caruurtooda ugala baxsadaan Xukunka Horjooge Diiriye iyagoo kala cararaya Jahli iyo naf halignimo.

Hadaan arkay adeegga waxbarasho ee Diiriye iyo xertiisu uhayso ubadkeenna, aan inyar isdultaago adeegga waxbarasho ee Caruurta ku naaloonaysa Dawladnimada.

Sanad kasta kumanaan la da’ ah Caruurta aan soo xusay ayaa dhamaysta Iskuulada kadibna gala Imtixaanka Dawliga ah kuwaas oo ka dib hela Shahaado Qaran kuwa ugu darajo sareeyana markiiba hela deeq waxbarasho oo Dowladda ufidiso kuwaas oo iyaga iyo Waalidkoodba ku naaloonaayaan Mustaqbal Ifaya halka kuwa Xaradheere iyo Waalidkoodba sugayaan Dhimasho oo kaliya.

Ku darsoo Kumanaan ay dhaleen Qooysaska Danta yar ayaa subax kasta ukalaha Iskuullo Bilaash ah oo Dawladdu maamusho iyagoo oo si la mid ah kuwa ladan suganaya maalmo qurux badan oo aanay xitaa filanaynin kuwa wax haysta ee ku hoos nool diiriye iyo kuwa uu duleeyay.

Markaas ayay ila noqotay oraahda ku haboon fariintaan” Ardayoow kaalay baro sida la isku halligo anna ii noqo Darbi idifaaca!! (isqarxi aan ku baree).

.

Muxuu yahay Ujeedkiisu?

Marka la isku xooriyo nuxurka Saddexda Fariimood ee aan kor ku xusay,aniga waxaa iisoo baxay arrimahaan oo aan u arko in midkood yahay sababta.

1- In Horjoojaha iyo karaaniga wax u qorayba aanay Maskax ahaan caafimaad qabin oo lumiyeen xusuustii ay isku qabadsiin lahaayeen Ficiladooda iyo Hadaladooda.

2- In Sadexda Fariimoodba ay ku socdaan isla Maleeshiyaadkooda oo malaha la noqday dhinacyada ay u baaqeen.

3- In aanu Horjooguhu warba hayn maadaama uu Ayda ku noolyahay oo isaga laftiisa ay marin habaabisay isla kooxdiisu una sheegtay in Dadku jecel yahay.

4- In ay si kas ah ugu gafayaan Garaadka Dadka Soommaaliyeed oo ay la tahay in ay yihiin kuwo aqbalikara Beenta iyo Khiyaanada nuucaan ah.

Hase ahaatee intaas midkii ay ahaataba waxba kama badalayso xaqiiqada kuwa ay yihiin Diiriye iyo kooxdiisa oo Dadka Soomaaliyeed ku barteen Ficillo uga filan in ay sugaan Warkooda waana halka looga maahmaaho( Nimaad taqaan lama yiraahdo kumaa tahay)

Maxeey ka baran karaan Dadka Soomaaliyeed?

Waxaa jira dhawr arrimood oo laga dheehan karo Fariintaan.

1- Mar waa ku jees jeesid ku socota dhibanayaasha Kooxdu Dishay Ehelkoodii ka yimid Qurbaha, Ganacsatadii ay Xoolahooda Qaraxyada ku burburisay ee Cayrtoobay iyo Waalidka ay Carruurtooda xoogga iyo dhagarta uga qaateen oo Qalbiga ka ooynaya kuwaas oo dhagta utaagaya in ay maqlaan Wiilkaagii ama gabadhaadii weey is haligeen Muslimiinna waa marteen taas oo ah Qasaare Adduun iyo mid aakhiro.

2- Marka labaad waxaa laga arki karaa sida horjoogahu aanu haba yaraateen wax xushmad ah ugu haynin dareenka Dadka Soomaaliyeed maadaama uu ula bareeray Hadallo uu iyaga ku maagayo isagoo og in Mar hore ay iska diiday Bulshadu oo aanu qofna ku aaminaynin, Naftiisa, maalkiisa iyo awlaadiisa midna.

Na maqal Diiriyoow

“Hadaan nahay Qurbajoog, kuma imaan Dalabkaaga kumana maqnaanayno” waana runta Maanta taaalla ee ah in Kumanaanka kusoo noqday Dalku adiga kaa difaacanayaan Dalkooda adna aad u dilayso in aanay doonaynin damacaaga.

“hadaan nahay Maalgashato dumi adigu innaguna waa dhisaynaa, adigu waxaad tahay xaaqin innaguna dhul waana kaasoo haraynaa”

“Hadaan nahay Ardayda adiga waxba kaa baranmayno ee adigu wax naga baro”

Gunaanadkaygu waa “ Diiriyoow, saacadda lasoco, hadalkaagu maaha kii Saacaddaan, qawlkaaga waxaa nooga filan ficilkaaga, aragnay adeegga aad noo hayso mana aha maalinkii suuqu ku xirnaa, hadda waxaa jira adeeg Dawladeed oo dhadhankiisu na anfacay, waxaan kaloo dhadhaminay adeegga adiga iyo sharwadayaashaada dhadhankiisuna nagama dagin.

Shabaab loogama baran inta ay ku baaqeen noomana sheegin in ay waantoobeen, sidaas awgeed Fariinta horjoogahoodu ma wadato sabab loogu dhagraariciyo , waxa kaliya ee aan kala harayno waa labo arrimood oo kala ah, in aan diidno adeeggii ay na bareen ee Dilka,Burburinta,Cabsida iyo baadiyaynta mana noqonkarto mid uu Hirjooguhu tartan kula hawaysto neecawda dawliga ah ee Dalka ku fidaysa cagtana marinaysa Cudur Maskaxeedka haleelay Diiriye iyo inta la meel joogto.

W/Q:- C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...