Guddiga amniga ee Golaha Shacabka oo ka hadlay doorka Golaha ee la xisaabtanka hay’adaha nabadgelyada

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ahna ku-simaha Guddoomiyaha, Xildhibaan; Maxamed Cabdulle Faarax Geesey iyo Xildhibaan Axmed Ismcaaciil oo xubin ka ah guddiga ayaa waxay faah-faahiyeen doorka guddiga.

Mas’uuliyiintan oo marti ku ahaa Barnaamijka kulanka Todobaadka ee warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxay Shacabka ku boorriyeen inay muujiyaan kaalintooda kaga aaddan la shaqeynta laamaha amniga.

Xildhibaan;  Maxamed Cabdulle Faarax Geesey, ayaa ugu horeyn bogaadiyay guulaha laga gaaray dacwadda Soomaaliya ee dhanka Badda, dib u xoreynta degaannada ay ku sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab iyo dedaallada ay xukuumadda Soomaaliya ugu jirto arrimaha dib u heshiisiinta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan; Maxamed Cabdulle Faarax Geesey ayaa xusay inay kormeer ku sameeyaan hanaanka ay u socdaan howlaha amniga, kaddibna ay la wadaagaan Saraakiisha ay quseyso.

Xildibaan Geeseey ayaa soo jeediyay in laamaha ammaanka ay kalsooni dhow la yeeshaan Shacabka. Bulshaduna ay Gacan ku siiyaan sidii looga hottegi lahaa wax kasta oo nabadda wax u dhimaya.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil, oo xubin ka ah Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xagga amniga wax badan ka qabatay, balse loo baahan yahay in Shacabku ay door muhiim ah ka qaataan, maadaama cadowgu uu rayidka waxyeeleynayo oo uusan ahayn mid dibedda ka yimaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...