Maxaad ka taqaanaa derbiga dunida uga dheer(The Great Wall of China) ?

Date:

Beijing (SNTV)-Abaaro 8:10 daqiiqo subaxnimadii Jimcaha oo shallay ahayd ayaan aniga iyo koox weriyeyaal ahka baxnay halka aanu ka deganahay Magaalada Caasimada ah ee Beijing, gaar ahaan bartamaha si aan u boqoona derbiga adduunka uga dheer oo caasimada dhanka woqooyi uga beegan qiyaastii 144 km, waxaana gaari bas ah ku gaarney derbiga 10-kii barqaniimo.

Gabar agaasime iyo  bare nooga ah barnamijka Barashada luuqada Shinaha oo la yiraahdo, Gao Yuan ayaa sharaxaad naga siisay derbiga, qaybaha kala duwan ee uu leeyahay, halka aan ka booqaneyno, saacada aan ku qaadaneyno, iyo barta kullanka, waxaana galnay sawir wada jir inta aan booqashada bilaaban.

“Waa maalin jimco oo aan u aragno dadka derbiga booqanayo ay ka yar yihiin maalmaha kale  sida Sabtida iyo Axada, halka aan ka booqaneyno waa Badaling Great Wall Area, waxa aan ku qaadaneynaa laba saac, 12:30 duhurnimo ayaan ka tageynaa oo qado ku leenahay meel xooga u jirta, fadlan wakhtiga dhawra”, Mrs. Yuan ayaa sidaa nagula dar-daarantay.

The Great Wall of China, April 12,2019(Mohamed Osman /SONNA

Baaritaan kadib waxaan derbiga ka fuulnay jiho kamida bar derbiga meesha aan ka fuuleyno u kala qaybiso laba, dhankiisa woqooyi bari, waxana durbadiiba kamid noqonay malaayinka ruux ee u soo dalxiis taga darbigan, waxaan raacnay dad badan oo dhalashooyin kale duwan leh balse u badan Shiinees,  jaran-jarada lagu fuulayo oo dheer awgeed, dadku way kala firir-sameen, wadada dheer ee lagu gaarayo meesha uga sareysa ee derbiga. Waxan isu jeeday anigoo mararka qaar kaligeey ah balse weli socda  ilaa uga dambeyn ka gaaro cirifka oo ah meel dadka dalxiisayaasha loo asteeyey in ay ku ekaadan oo laga sii gudbi Karin.

Inta aad jaran-jarada ku socota waxaad arkaysaa digniino dhinacyada jaran-jarada ku qoran, waxana kamida in aadan ka boodin, waxaa sidoo kale jira meelo joogsin ah oo aad ku nasan karto, ku cuni karto ama ku cabi karto sahaydii hore u soo qaadatay, dariiq aad ka degi karto, ama nooc kale oo gaadiid ku raadsan karto kaasi oo ku geeya qaybo kale oo derbiga ah lana baxdo qarash, ciidan baa jooga meel walba oo hakadyadaas kamida kuwaas oo ku caawinaya haddii aad weydiisato ka sakow shaqadooda.

The Great Wall of China, April 11,2019(Mohamed Osman, SONNA

Waxan kula kulmay dad noocyadiisa kala duwan: Carruur, haween, dhalinyaro, waayeel iyo cuur-yaan baaskiil saaran oo la wado, lamaanayaal is xambaarsan, kuwo hore derbiga u fuula raba balse daalay oo dhexda ku nasanayo, waxaase cajiib ah in dadka qaar ee carifka lugtooda ku tago oo aan ku soo noqoneynin lugtooda daal dartiis, waa haddii ay jeebkooda lacag ku jirto oo ay raacayaa gaari dhulka mareynin balse mareeg fiilo ah maraya, wuxuna ka qaadaya xarun kor ku taala oo ticket loo jaranayo, wuxuuna gaynaya xarun hoose oo dhulka ah(Exit)  sida sawirka ku arkeysid.

Goormaa derbigan la dhisay, ujeedadee loo dhisay, haddase muxuu yahay ?

Taariikh mucayim ah oo ku saabsan dhismahiisa ma jiro balse waxa jirta qiyaas iyo waxyaabo la isku raacsan yahay oo fac-weynimadiisa ah, waxaana derbiga uu jiraa ku dhowaad 3000 sano, waxaana dhisay boqorkii la dhihi jiray Qin Dynasty,waxaa sidoo kale dhisay dawladahii isaga dambeeyey talada, ujeedada waxaa ay ahayd ‘Difaac’ in uu uga noqdo quwadahii ama dalalkii dhanka woqooyi ka xigay oo colaad kala dhaxeysay si aan duulaan uga imaan.

The Great Wall of China, April 11,2019(Mohamed Osman, SONNA

The Great Wall of China, derbiga maanta waa il dhaqaale, waa goob kamida goobaha uga waaweyn ee adduunka looga dalxiis tago,(Tourist destination), waxaa la ii sheegay in malaayin qof u dalxiis tagto derbiga, ma ahan kaliya waxa la ii sheegay ee ishaydaa marqaati ka noqotay, waxaa ka socda shaqo joogta ah dhismo noocyo kale duwan, qasriyo, hotelo, suuqyo ganacsi, meela laga cunteeyo iyo carwooyin ganacsi iyo sicir macquul ah. Tusaale qof sannad ama ka hor booqday ee dib fursad kale uga hela inuu buuqdo, wuxuu kala kulmaya adeeg dheeri ah iyo dhismooyin kale oo casri ah, si loo soo jiito dalxiisayaasha imaanaya.

Derbiga dhirirkiisu waa 21,000 km sida lagu sheegay daraasad dhanka taariikhda dadka iyo dhulka ku saabsan oo la sameeyey 2012-kii, ma ahan derbi inta aad dhinac ka istaagto, dhankiisa kalena arki karto, oo ishaada ayaa la soo noqoneysaa, dhamaad ma lahan.

The Great Wall of China, April 11,2019(Mohamed Osman/ SONNA)

Derbiga wuxuu sidoo kale kamid yahay 7-da mucjiso adduunka

Derbiga dadka magaca leh ee booqday waxaa kamida Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama, wuxuuna tagay November 18, 2009 halka Ra’isul wasaarihii hore ee Ingiriiska, David Cameron uu booqday November 10, 2010, anigana ha iga reebin waxa ay ahayd inaan booqdo May 6,2018 balse iima suura-gelin balse hadda ayey ii suura-gashay inaan booqdo the Great Wall.

QalinkiiUstaad Maxamed Cismaan Cabdi “ Black Cobra”

E-mail: [email protected]

Beijing-China

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...