Wasiirrada Jubbaland ee Muqdisho Ku Sugan oo Casho Sharaf Loo Sameeyay

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Casho Sharaf u sameeyay wasiirrada Dawlad Gobaleedka Jubbaland ee socdaalkiisa Muqdisho ku wehliya madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed.

Casha sharafta oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid wasiirada dawladda federaalka iyo howl-wadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo dhaweeyay wasiirrada ka yimid maamul gobaleedka Jubbaland.

Wasiirrada Jubaland ee casha Shafata kasoo qayb galay ayaa aad uga mahadceliyay wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha soo dhawaynta heerkeedu sareeyo, waxa ayna sheegeen in ay soo dhawayntu kaabayso wadashaqeynta iyo isku xirnaanta labada dhinac.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud ayaa wasiirrada uu cashada u sameeyay waxa uu kala hadlay dardar-gelinta wada shaqaynta ka dhaxaysa wasiirrada dawlad gobaleedka Jubaland iyo wasiirrada ay wada-shaqayntu kala dhexeyso ee DFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...