Kulan looga hadlayey siddii loo xoojin lahaa howlaha baarlamaanka Federaalka oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay siddii loo xoojin lahaa howlaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana labada aqal baarlamaanka ay ka hadleen howlaha horyaalla iyo siddii ay gacan u siin lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo wadamada taageera.

Guddoonada labada aqal iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday shuruucda , muhiimada baarlamaanka uu leeyahay iyo dib u eegista dastuurka KMG halka uu marayo ee gabogabada ah.

Madaxda hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway ayaa dhankooda sheegay in gacan ay ka siin doonaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya siddii waajibaadkooda ay u gudan lahaayeen.

Gabogabada kulan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye ku-xiggeenka Laad golaha aqalka sare BFS Sen. Mowliid Xuseen Guhaad, waxa uuna sheegay in kulankan aqalka sare uu muhiin u yahay, maadaama uu yahay aqal cusub.

Guddoomiyaha golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa u mahad celiyay hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway sida ay  ula shaqeeyaan baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa guddoonada labada aqal baarlamaanka , guddiga dib u eegista, la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday UNSOM, UNDP, Switserland ,iyo Norwey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...