Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Puntland oo la dhaariyey

Date:

Muqdisho (SNTV) Golaha Xukuumadda Dowlad Gobaleedka Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir, 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jiraan kuwona cudurdaar shaqo sheegteen ayaan joogin dhaarta.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland  iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib Golaha Xukuumadda Puntland, waxaana ay kula dardaarmeen Wasiirada cusub inay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay Golahan Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dastuuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

Ugu dambay, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka...