Xafladdii Caleemo saarka Saciid Dani oo laga dheehan karay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed

Date:

 Garoowe ( SNTV)– Magaalada Garawe ee Caasimad u ah Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa beryahaanba waxaa ka socotay qaban-qaabadii Caleemo saarka Madaxweynaha Doorashada ku guuleystay ee Saciid Cabdullaahi Dani, waxaana halkaasi isugu tegay Masuuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul-goboleedyda Dalka, Madaxweynayaashii hore ee Dowladda , Madax ka socotay Wadamada Dariska, dadweyne iyo marti sharaf kale, iyaoo ugu dambeyntii ay xalay fiidkii ka dhcaday munaasabadaasi goob si weyn loo qurxiyay.

Balse inta aanan u gudagalin Xafladdii Xalay iyo Garawe aan marka hore wax ka tilmaamo sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo loogu soo djaweeyay halkaasi, wuxuuna shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul- Goboleedka Puntland, waxaana si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir Madaxweynaha Maamul- Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, K/Xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe, kuwaasi oo lulayay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa, Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka, wuxuuna ku ammaanay Shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland.

Madaxweynaha Maamul- Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuudda heer Federaal ee aqbalay casumaadda uu u fidiyey.

Xalay Fiidkii markii ay bilaabatay Munaasabaddii caleemo saarka ayaa hadallo qiimo badan ay ka soo jeediyay qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqan, Masuuliyiin sare iyo Siyaasiyiin, waxaana heeso maaweelo ah iuyo wacyigalin isugu jirta halkaasi ka qaadayay Koox Fanaaniin ah, ugu dambeyntiina waxaa goobtaasi khudbad ka jeeddiyay, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, wuxuu kaloo tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqeysa xaqiijinta himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

“Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.”, ayuu yiri Madaxweynuhu, wuxuuna intaasi raaciyay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qeyb muhiim ah ka ciyaareen qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’udiin, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Haddaba xafladaasi caleemo saarkii Madaxweyne saciid Cabdullaahi Dani oo ay isugu yimaadeen Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku hadasha Afka Soomaaliga, islmarkaana ku dhacday si heer sare ah, laguna qabtay gogol si weyn loo qurxiyay ayaa waxaa la dhihi karaa Caleemo saarkii Dani waxaa laga dheehan karay Midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

W.D: C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...