Dalka Shiinaha waa saaxiib aan hagar aqoon (Qeybtii 2-aad)

Date:

Muqdisho(SNTV)–Qormooyin aan kaga hadleyno xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha iyo booqashada Wafdiga Madaxweynaha ay ku joogaan Magaalada Bijiin ee Wadanka Shiinaha oo aan idiin soo gudbinay qeybtii 1-aad, taasi oo aan kaga hadalnay sida uu ku bilowday Xiriirka labada Dal, ayaan haatanna idiin soo gudbineynaa mashaariicdii uu Shiinuhu ka fuliyay Dalkeenna iyo sida uu haatanba u soo noolaanayo Xiriirkaasi wax wada qabsi.

Xiriirka Dibolomaasiyadeed iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa la sheegaa inuu soo bilowday 1960-meeyadii, xilligaasi waxii ka dambeeyay, waxa uu Dalka Shiinaha Dadka uu Wadanka Soomaaliya ka fuliyay Mashaariic waaweyn oo aad qiimo ugu lahaa Dadka Soomaaliyeed oo lagu xasuusto xiriirka wax wada qabsi ee labada Dal iyo labada Shucuub, waxaana ka mid ahaa Garoomada ku yaala Tuulada Ispoortiga oo uu ku jirto Garoonka Kubadda Cagta ee Istaadiyo Muqdisho, oo ay dhawaan wareejiyeen Ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM, Golaha Murtida iyo Madadaalada ee loo yaqaan Tiyaatarka Qaranka, Waddooyin uu ka mid yahay jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Baydhabo, mashruucii biya xireenka Faanoole, Isbitaalka Banaadir iyo kuwa kale.

Dowladda Shiinaha ayaa haatan dooneysa inay Soomaaliya kaga qeybqaadato dib u soo kabashadeeda, waxuuna Shiinaha uu si rasmi ah safaarad dib uga furtay Muqdisho August 2014-kii, xilligaasi oo Soomaaliya ay u fidisay caawimaad, haatanna dooneyso inay dib u sameeyso dhismooyinkaasi, kuwa kalena ay ka fuliso, waxaana ka marqaati kacaya mar uu Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad uu booqday shirkadda dhismaha ee Shiinaha, waxaana ku soo dhoweeyay halkaasi Madaxweyne ku xigeenka Mr. Lu Jing, waxaana markaasi biloowday soo nooleynta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada Beeraha, Waraabka Korontada biyaha laga dhaliyo iyo Mashaariic kale oo horumarineed oo ay ka mid yihiin dib u dhiska theater-ka qaranka, Isbitaalka Banaadir iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto Iskaashiga ay la leedahay Shiinaha kuna saabsan Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxa uuna tilmaamay in uu rajeynayo inay horumaraan xiriirada ay leeyhiin Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Bulshada.

Dhinaca kale Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya, Amb. Qin Jian oo goor sii horeysay wareysi uu siiyey warbaahinta Dawladda kaga warbixiyey taageerada ay Dawladdiisa siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed, deeqaha waxbarashada, maal-gashiga iyo shir madaxeedka Shiinaha iyo Africa oo horaanta Bisha September ka dhacaya Beijing.

Xiriirka Diplomaasi ee Soomaaliya iyo Shiinaha:-

Xiriirka Diplomacy ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa soo billawday 14-kii Bishii December 1960, waxaa labada Dawladood ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo dheer oo taariikhi ah, wuxuuna ku saleysan yahay iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, waxbarasho iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah iskaashiga labada Dawladood.

” Shiinaha iyo Soomaaliya waxa ay leeyihiin saxiibtinimo soo billaabatay 600 Sano ka hor, balse midka diplomacy waxa uu billawday 1960-kii, wuxuuna ahaa mid miro dhal ah oo labada dhinacba kawada faa’idaysteen,waana xoojineynaa taageerada, saaxiibtinimada, iskaashiga wax wada qabsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha”, sidaa waxaa yiri Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Muqdisho.

Mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyay Soomaaliya:-

Safiirka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka fuliyeen 89 mashruuc intii u dhaxeysay 1960-kii ilaa 1991-kii, waxaana uu ka xusay dhismaha jidad, Garoonka kubbadda Cagta Muqdisho (Stadium Mogadishu) , Cusbitaalka Benaadir, golaha murtida iyo madadaalada (National Theater) iyo kuwa kale oo badan.

Shiinaha ayaa Soomaaliya u soo diray 13 koox oo ay ku jiraan 393 Dhaqaatiir ah, kuwaas oo daaweeyay kumanaan Soomaali ah, iyadoo tababarro siinayey Soomaalida, waxaana dheeraa deeqaha waxbarasho ee ay Ardayda Soomaaliyeed ka faa’idaysan jirtay waqtigaasi.

Deeqaha Waxbarasha hadda:-

Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dib loo furay 2014-tii,  kadib bur-burkii Dawladeenii 1991, waxaana Dawlada Shiinaha bixineysaa deeqo waxbarasho sannadkii labaad, in ka badan 50 Arday oo Soomaali ah ayaa deeq waxbarasho ka helay Shiinaha Sannadkii hore, kuwaasi oo Shiinaha waxbarasho uga maqan hadda, waxaana Sannadkan baxaya (September) Arday ka badan 40, waxaana uu safiirka sheegay in ay kordhinayaan deeqaha waxbarasho.

” Waxaan Sannadkii labaad siinay Soomaaliya deeq waxbarasho, 50 iyo dhawr Arday oo ka fa’ideysatay sannadkii hore, sannadkan waxaa ka faa’ideysanaya in ka badan 40, waxa ayna baxayaan Bisha na soo aaddan, waxa ayna baranayaan kulliyado muhiim ah sida caafimaadka, Computer-ka IWM, waxa aan filayaa in Ardayda door muhiim ah ka qaataan dib u dhiska Dalkooda, ayna buundo u noqdaan xiriirka saaxiibtinimo ee labada Dal”, ayuu yiri safiirka Qin Jian, waxa uu intaas ku daray Safiirku in dhawaan la dhisay urur(China-Somali Association) oo ay hormuud ka ahaayeen Arday hore wax uga soo baratay wadanka Shiinaha.

Maal-gashiga:_

Shirkadaha Shiinaha ayaa aad u daneynaya in ay maal-gashi ku sameeyaan Soomaaliya, waxa ayna qeyb ka qaadanayaan horumarinta nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, wuxuuna Safiirka Shiinaha uu sheegay in ay Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada Beni’aadannimada oo uu tusaale u soo qaatay abaarihii iyo fatahaaddii dhawaan uu sameeyey Webiga Shabeelle, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay kordhinayaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan.

Shir madaxeeda Shiinaha iyo Africa:- 

Shir madaxeedka Africa iyo Shiinaha (Focac) ayna ka qeyb galayaan in ka badan 53 hogaamiye African ah iyo wafuud ballaaran oo la socota ayaa ka dhacaya Magaalada Caasimada ah ee Beijing 3-4 Bisha September, 2018-ka.

Safiirka Shiinaha Amb. Qin Jian ayaa wareysiga ku sheegay in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka qeyb geli doona shirka China African Summit, waxa uuna noqon doonaa Madaxweynihii uga horreeyay ee Soomaaliyeed oo taga Shiinaha bur-burkii Dalka kadib, isagoo sheegay Safiirka in Shirkani uu leeyahay fursado badan iyo iskaashi faa’iido u wada leh Shiinaha iyo Africa.

dhinaca kale xalay ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping, kuwaasi oo hordhac u ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habeynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha, iyadoo Labada Madaxweyne ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qeybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaasi oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qeybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada lixaadka leh ee Shiinaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aadan horumarka iyo dhaqaalaha.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday Dowladda Soomaaliya dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

W.D: C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale