Muhiimad intee la eg ayey leedahay in dekedda Muqdisho ay shaqayso xilli habeen ah

Date:

Muqdisho Axad August 12 (ANTV):-Wadanka Soomaaliya oo Alle ku manaystay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, wuxuu leeyahay Dekado dhowr ah oo isugu jira kuwa rasmi ah iyo kuwa Dabiici ah ah:-

Dekedaha Rasmiga:- 1- Muqdisho,  2- Berbera,3- Kismaayo,4- Boosaaso.

Dekedaha Dabiiciga:- 1- Baraawe, 2- Marka, 3- Ceel Macaan, 4- Cadale, 5- Mareeg, 6- Gaan, 7- Hobyo, 8- Garacad iyo 9- Saylac

Dekeddda Caalamiga Muqdisho (Port of Mogadishu) Waa mid ka mid ah Dekedaha Rasmiga ah ee dalka Soomaaliya leeyahay, waxaana jirtay xilli ay ahayd tan ugu weyn isla markaana ugu mashquulka badan  Geeska Afika.

Marsada Muqdisho waxay leedahay taariikh aad u fog, taasi oo taariikhyahanadu ku sheegaan in dekedani jirtey wakhtigii  Boqortooyadii Roomaanka, waxayna muddo dheer  ahayd il dhaqaale oo lagama maarmaan u aha Nolosha bulshada Soomaaliyeed  ku noolayd Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dekedda wayn ee Muqdisho oo horay u shaqayn jirtay maalintii kaliaya, ayaa hadda waxay shaqayn doontaa habeen iyo maalin, kadib cabasho ka timid ganacsatada Somaaliyeed, si waqti badan loogu helo fududaynta  adeegyada ballaaran ee dekaddu u hayso bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ay la socdeen xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Saraakiil ayaa xalay Daah-furay  tallaabada cusub oo Dekedda Muqdisho habeenkii ku shaqayso, taasi oo la micno ah in habeen iyo Maalin ay si isku mid ah dekadu u shaqaynayso,si loo kordhiyo howlaha adeegyada ganacsiga kala duwan.

“Farxad iyo guul bay inoo tahay in aan daah furno in Dekedda shaqeyso habeen iyo maalin ,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda,raiius Wasaaraha,iyo Madaxweynaha JFS waxaan ku dhawaaqayaa in Dekedda Muqdisho ay diyaar u tahay in xiliyada habeenkii ah ay shaqeyso,Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeysa waxay ka dhigan tahay horumar deg deg ah oo dhaqaalaha dalkeenu ku talaabsaday,taasina waxay noo sahleysaa in aan isku filnaano”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka wuxuu intaasi raaciyay in aad loo adkeeyay amniga Dekedda, lana diyaariyay dhammaan agabyadii gacanta ka gaysan lahaa Xaqiijinta nabadgalyada, maadaama ay tahay il dhaqaale oo lagama maarmaan u ah nolosha umadda Soomaaliyeed.

Wasiiradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aways Jaamac ayaa tiri ” Waa guul wayn oo shacbiga Soomaaliyeed u soo hoyatay in Dekedda Muqdisho ay habeen iyo maalinba shaqayso, waxaanan rajaynayna in dhammaan dekedaha Soomaaliyeed sidaasi si la mid ah u howlgalaan.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada Dakedda xiliyada habeenkii ay kaalin ka qaadanayso horumarka dhaqaale ee Dalka.

“Caawa waxaa noo suuro gashay in aan daahfurno in Dakadda Muqdisho ay shaqeyso 24saac, Ganacsataduna ay Badeecadohooda kala soo bixikaraan kana dhoofsan karaan Habeen iyo Maalinba”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay ahmiyadda arrintan ay leedahay iyo dadaalkii lagu bixiyay sidii lagu gaari lahaa,isagoo guul ku tilmamay,Wuxuuna bogaadiyay in fursado la siiyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Tallaabadan lagu horumarinayo Adeegga Dekedda Muqdisho u hayso Shacbiga Soomaaliyeed ayaa ah mid ka mid ah guulihii taariikhiga ahaa oo ay ku tallaabsatay Xukuumadda Soomaaliya, sida dib u soo celinta Maamulka Hawada Soomaaliya iyo  Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde oo asna habeen iyo maalin Shaqeeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...