Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan wasiirada wax-barashada iyo Warfaafinta ayaa si wadajir ah u furay Tartan aqooneedka bisha Ramadaan.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho,  Wasiirada wax barashada & warfaafinta, agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta, Agaasimaha Tv-Qaranka & Agaasimaha Radiio Muqdsho ayaa furay tar-tan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay tabineyso warbaahinta qaranka isla markaana ay taaba gelinayaan  maamulka gobalka benaadir.

Ugu horreynba waxa hadalka qaatay Agaasimaha Tv-Qaranka Liibaan Cabdi Cali oo u mahad celiyay masuuliyiintii soo mara gobalka iyo kan hadda Eng Cabdiraxman Yariisow, waxa uu soo hadal qaaday in markii hore culeysyo Ka jireen ganacsiyaha gaarka ah oo mararka qaar shuruudahooda ay is diidanaayeen danaha guud.

Agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa isna sharaxay heerarkii uu soo maray tar-tanka isagoo xusay xilli adag oo dadka ay Ka baqijireen kooxaha arga-gixisada balse xilligan uu marayo heer tirada codsadayaasha aad loo xadiday.

Siihayaha wasiirka warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka wasiirka Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo hadalka qaatay ayaa isna dhankiisa u mahad celiyay dhammaan qof kasta oo kaalin kulahaa tar-tanka, waxa uu si gaar ah ula dar-daarmay guddiga tar-tanka oo ugu baaqay Alle Ka cabsi, dadka wax heysto ayuu sido kale ku booriyay in ay afuriyeen dadka  aan wax heysan ee walaalahooda.

Markii ugu horreysay tar-tanka waxaa sanadkan Ka qeyb galay Wasaradda wax barashada oo uu wasiirkeeda Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan  isna muujiyay dareen ahaan sida uu ugu faraxsanyahay heerarka uu soo maray tar-tanka, waxa uuna ballan qaaday in ay Ka qeyb qaadan doonaan kaalintooda, isagoo rajjo wanaagsan u rajeeyay ardeyda Ka badan 27-kun ee maalin kadib u fariisan doono imtixaanka ugu dambeeyay ee dugsiga sare iyo dhammaan Ka qeyb galayaasha tar-tan aqooneedka bisha ramadaan ee warbaahinta dowladda.

Ugu dambeyn, waxaa hadalka furitaanka qaatay guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar Yariisow, ugu horreynba waxa  u mahad celiyay dhammaan howl-wadeenada warbaahinta qaranka dhabar adeegii ay muujiyeen diyaarinta & isu goobidda dhammaan Ka qeyb-galayaasha, waxa uu ku sheegay dadaalkaas in  uu yahay  mid kamid ah waajibaadka saaran wasaaradda, dhanka kale waxa  uu sheegay in wasaaradda ay waajib ku tahay in dadka ay Ka wacyi geliso wax yaabaha dhib ku ah, arrimo kale oo amniga iyo caawinta ayuu soo hadal qaaday dhammaan dadaaladaasi waxa uu duqa Muqdisho ku sheegay in ay tahay waajibaad saaran Ka gobal ahaan  oo ay La wadaagaan dowladda dhexe,  dhammaan dadaaladaasi ayuu u jeedkooda ku koobay in ay tahay isku-tashi.

Degmooyinka Xamar-Jajab & Waabari ayaa nasiib u yeeshay in lagu furo tartanka caawa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...